Silisalado qaraxyo ah ayaa laga soo tabinayaa magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, kuwaas oo geystay waxyeello kala duwan.
Warbaahinta ayaa soo tabineysa in qaraxyadu ay ka dhasheen duqeymo uu fuliyay Maamulka Yahuudda, halka wasaaradda difaaca ee nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad uu shaaca ka qaaday, iney soo rideen diyaarad Drone ah.
War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in laba diyaaradood oo Drone ah ay kusoo xad gudbeen hawada dalka Suuriya, kuwaas oo ka yimid dhanka Buuraha Al-Jowlaan ee uu gumeysiga ku heysto Maamulka Yahuudda.
Waxa uu soo kale nidaamka Mujrimka ah ee Suuriya sheegay, in difaacooda hawada uu ka hor tagay diyaaradahaas, ayna usuura gashay iney kusoo ridaan galbeedka magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.
Balse Markazka waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ayaa shaaca ka qaaday, in duqeymo lala beegsaday garoon mellatari oo lagu magacaabo Al-Muzzah, kaas oo ay leeyihiin Maleeshiyaad gacan saar laleh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
Waxa uu xafiisku sheegayaa in had iyo jeer duqeymaha maamulka Yahuudda ay beegsadaan Maleeshiyaad gacan saar la leh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, iyo xarumahooda mellatari ee ku yaalla Suuriya.
Weerarkaan ayaa kusoo aadaya laba maallin un kadib markii uu Nidaamka Nuseyriyada shaaca ka qaaday inuu ka hor tagay duqeyn uu maamulka Yahuudda ka geystay degaanno dhaca magaalada Ximis iyo baadiyaheeda.
Mid kamid ah sawaariikhda duqeymahaas ayaa haleelay guri ay daganaayeen dad rayad ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 ruux, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale, wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay 2 kamid ah Maleeshiyaadka taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.