Dil fool xun ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kadib markii Wiil arday ahaa jiray oo laba toorey ku hubeysan oo soo weeraray Macalin Iskuulwax ka dhiga waxaana Macalinku dhintay Iskuulka dhexiisa markii uu dhowr toorey oo midu wadanaha dhankiisa uga dhacday uu ku dhuftay.
Macalinka ayaa la sheegay in ay ka dacwootay Gabar wiilka la dhalatay oo iskuulka dhigata taasoo ku andacootay in uu buug madaxa uga dhuftay sida mamaulka Iskuulku Saxaafadda qaarkeed u sheegay.
Hooyada dhashay Wiilka iyo gabadha isla dhashay ee midna dacwootay midka dilka geystay ayaa la sheegay ina y taagneyd Goobta Wiilku Macalina ku tooreyeeynayay mise cadda in ay falkaan in la geysto ay wax ka ogeyd iyo in ay war moog ahayd.
ardayga hore ee dilka geystay ayaa cagaha wax ka dayay waxaana Maamulka Iskuulku Muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilka Macalika loo geystay.
waayadaan Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka Foosha xun sida qof la gubay, mid la tooreeyay mid xabad lagu dilay iyo kuwo kale intaba, waxaana arimahaani dugsnaayan Cadaalad la’aanta Maamulka Meesha ka arimaya iyo hay’ado Shisheeye oo qaska iyo qalalaasaha Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ka dhan ah ka shaqeeya.