Waxaa laga dayrinayaa xaaladda nololeed ee ay ku suganyihiin malaayiin qof Itoobiyaan ah kadib markii ay dalkooda ka dilaacday macluus halis ah oo dhinaca dhulka udhigtay dad iyo duunyo intaba.
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in si maalinle ah ay udhimanayaan boqolaal ruux oo badankood kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega, hay’adaha sheegta in ay udoodaan xaquuqul insaanka ayaa ka dardaar werinaya xaaladda malaayiin qof kuwaas oo loo diiwaan geliyay in ay lanoolyihiin xaalad macluul daran ah.
Warbixin kasoo baxday Q.Midoobey ayaa lagu sheegay in dad ka badan 10 milyan Itoobiyaan ah wajahayaan cunta yari baahsan,meesha ugu daran ee majaacada loo asteeyay waa gobolka tigree oo dadka ku dhaqan lagu qiyaasay 6 malyan oo ruux, 3.5 malyan oo kamid ah dadka waqooyiga itoobiya deggan mahaystaan waxay cunaan.
Abaar raagtay oo isku bedeshay macluul ayaa diiraneysa malaayiin bashar ah sida warbixinta ku cad. carruurta,haweenka iyo dadka waayeellada ay ayaa tarab tarab udhimanaya waxaana gaabis ah gurmadkii laga filayay xukuumadda addis ababa.
Madaxweynaha KMG ah ee ismaamulka Tigray iyo madaxa hay’adda WHO ayaa caalamka uqeylladhaansaday balse nidaamka abiy axmed ayaan welwel sidaas uweyn ka muujinayn xaaladda gobolka tigreega ka taagan.