HomeAll newsMadaxweynaha Masar oo Sheegay in Wadankiisa uu Lumiyay Kalabar Dakhligii Kanaalka Suweys.

Madaxweynaha Masar oo Sheegay in Wadankiisa uu Lumiyay Kalabar Dakhligii Kanaalka Suweys.

Madaxweynaha Dawlada Masar, ninka lagu magacaawo  Cabdi-fataax As-Siixi ayaa si cad u sheegay,  in xilligan oo ay taagan tahay xiisadda Badda Cas uu dalkiisa lumiyay qiyaastii kala bar dhakhliga ka soo gala Kanaalka Suweys.

Hogaamiyahan masriga ah ee Yahuudda u jilciya maslimiinta ku nool mandiqadda loogu yeero bariga dhexe ayaa isagoo siiwata warkiisa yiri in Masar ay toban bilyan oo dollar sanadkiiba ka heli jirtay Kanaalka Suweys, balse xiisadda Badda Cas ay caqabad ku noqotay dakhligii ka soo geli jiray kanaalkaasi.

“Kanaalka Suweys waxa uu Masar ugu deeqaa 10$ bilyan sanadkii, laakiin dakhligiisu waxa uu hoos u dhacay 40 illaa 50%, muddada ay xiisadda ka jirto Badda Cas.” Ayuu yiri Madaxweynaha .

Al-Siisi ayaa warkan ka sheegay furitaanka bandhigga sanadlaha ah ee tamarta Masar oo ka furmay Qaahira, isagoona sheegay in dalkiisu uu wajahayo caqabado waaweyn oo ka dhashay duulaanka Yahuudda ee Gaza, oo ay cadahay in dalkiisa dhibaatada lagu hayo walaalaheena qaza uu qayb ka yahy taana ay dalkiisa u horseeday dhibka lasoo dirsay.

“Waxaas oo dhan waxay dhacayaan, iyadoo Dowladda Masar ay ka go’an tahay inay fuliso waajibaadkeeda shirkadaha shidaalka, horumarinta la hawlgalayaasha iyo hay’adaha maaliyadda.” Ayuu yiri madaxweynaha Masar.

Duulaanka Yahuudu ee Qaza oo ay Dowlada  Masar ku haminayaso in laga taqalusi doono kooxaha waxa iska caabinta ee falastiiniyiinta  ayaa dawlada masar fashilka duulaankaasi dhicisoobay iyana u horseeday laba qasaare oo guul dara ah, Kanaalka Suweys oo loo tixgeliyo mid ka mid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan adduunka ayaa ah marinka ugu gaaban ee maraakiibta isaga kala goosha Yurub iyo Aasiya, waana mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee lacagaha qalaad ee Masar, hadii dagaalka qaza uu fashilmana waa u guul daro Yahuuda iyo C/fataax As-Sisi waayo sisi wuu ku dhaqaala beelay marka loo eego kanaalka suways.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in gaadiidka badda ee ka gudba kanaalkaasi ay hoos u dhaceen  42%.

Shiinaha waa dalka ugu weyn ee wax dhoofiya, waana dalka ay saamaynta ugu badan ku yeelanayso, mar kasta oo gaabis uu ka jiro isu socdaalka Badda Cas.

Shiinaha oo 2-dii bishan walaac xoogan ka muujiyay xiisadda cirka isku sii shareertay ee ka jirta Badda Cas ayaa sheegay in ay la xiriirto colaadda Qaza, loona baahan yahay in si degdeg ahi wax looga qabto duulaanka Yahuudda ee Marinka Qaza.

Gaadiidka badda ayaa ah laf dhabarta marinada ganacsiga ee Shiinaha iyo Midowga Yurub, oo 90% ka ah ganacsigooda, iyadoo carqaladeynta marinka Badda Cas illaa kanaalka Suweys ay sidoo kale kala dhantaaleyso ganacsiga Yurub, waana marin biyood aad muhiim ugu ahaa dawladaha Yurub, balse iyagana tan iyo duulaankii Qaza waxaa soo food saaray culays ah marista marin biyoodkaas, iyadoo Xuuthiyiinta Yemen ay sii wadaan howlgalada lagu beegsanayo maraakiibta laga leeyahay wadamada Yurub ee isticmaala biyaha Badda Cas, waxayna wacad ku mareen inay sii xirnaan doonto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular