HomeAll newsMaleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Markale Weerar ku Qaaday Markab Laga Leeyahay Mareykanka.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Markale Weerar ku Qaaday Markab Laga Leeyahay Mareykanka.

Maleeshiyaadka kooxda Xuuthiyiinta ayaa isniintii lasoo dhaafay  tiro gantaallo ah kuweraray  markab ganacsi oo kusocdaalayay Badda Cas, kaas oo laga leeyahay dalka Mareykanka, balse lasheegay in uu kadul babanayay  calanka Giriiga.

Sidookala wararka ayaa intaasi kudaraya  in weerarka uu sigaar ah uga dhacay  marinka Baab Al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

waxaana  ay shirkada  Amniga Badaha ee Britain ee (Ambrey) ay  sheegtay, in markii ay markabka kubilaabatay duqeeynta uu qeeylo dhaan  u  dirsaday   ciidamada  Mareykanka  ee ku sugan gobolka.

Wasaaradda gaadiidka Badda ee dowladda Giriiga ayaa sheektay in uu markabka  dhanka danbe uu kasoo gaaray burbur xoogan maadaama 2gantaal oo waaweyn lalabeegsaday, sidookala wazaarada ayaa sheegtay in shaqaalihii waday markabka ay kabad baadeen duqeyntaas, islamarkaana ay kasoo bad baadiyeen markabka duqeeynta  kusocotay.

Shaqaalaha markabka ayaa gaarayay 23 sida ay sheegtay wazaarada gaadiidka ee xukuumadda Giriiga, islamarkaana uu Ganley kasoo qaaday   dalkaasi Argentina, isla-markaana uu ku sii jeeday Magaalada Cadan ee dalka Yeman.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xili ay isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo ay duqeymo xoogan ka geysteen dalka Yaman, kuwaas oo ay beegsadeen maleeshiyaad katirsan Xuuthiyiinta iyo dhismayaal farabadan oo ay hub kusug naayeen.

Sidoo kala maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay wadi doonaan weerarada kadhanka ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska kuwaas oo kawada siman ladagaalka maleeshiyaada kooxdaan.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay  xuutiyiinta ku dhawaaqaday in ay bartilmaameedka maraakibta laga leeyahay Mareykanka  iyo Ingariiska ay hihiin mid shar ci ah, ayna ku beegsan doonaa xeebahaa Badda Cas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular