Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil waddanka Masar loogu geystay masuul katirsan xukuumadda Yeman, kaas oo dilkiisu ay kasoo baxayaan warar kala duwan.
Safaaradda dowladda Yeman ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday, in la dilay Janaraal Xasan Bin Jalaal Al-Cubeydi oo ahaa Mas’uulkii Farsamada hubka wasaaradda difaaca xukuumadda Yemen, kaas oo si dhagar ah loogu dilay bartamaha magaalada Al Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Bayaan kasoo baxay Safaaradda oo ay ku baahisay barteeda Facebook ayay ku sheegtay, in ay si weyn ula socoto oo ay ka walaacsan tahay arrinta ku saabsan dilka Janaraal Xasan Al-Cubeydi, kaas oo meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa caasimadda Masar ee Qaahira.
“Tan iyo markii uu khabarkaan nasoo gaaray waxay safaaraddu uxil gaartay guddi iney tagaan halka lagu dilay Janaraalka, ayna xiriir la sameeyaan dhammaan saraakiisha amniga xukuumadda Masar ee ay quseyso arrintaan, si ay baaritaan dhab ah ugu sameeyaan dhacdadaan xanuunka badan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda dowladda Yeman ee dalka Masar.
Ilo-wareedyo isku mid ah ayaa sheegay in Janaraal Xasan oo ahaa oo ahaa Mas’uulkii Farsamada hubka wasaaradda difaaca xukuumadda Yemen la helay isaga oo lagu dhex-dilay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Qaahira, waxaana goobta yimid ciidamo Bolis ah oo baaritaanno ka billaabay guriga.
Ila wareedyo katirsan waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday, in Janaraalka la helay isagoo ay gacmaha xargo uga xiran yihiin, jirkiisana ay ka muuqdaan dhowr Midni oo lala dhacay, iyagoo intaa ku daray in falkaan uu dhacay laba maalmood ka hor, arrintuna ay bannaanka usoo baxday kadib markii asxaabta janaraalka ay waayeen xiriirkiisa, taas oo ugu dambeyn sababtay in lagu jabiyo guriga uu daganaa, halkaas oo laga helay meydkiisa.
Illaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin safarka uu ku maqnaa janaraalkaan inuu ahaa mid caafimaad ama mid mellatari, balse waxay xoguhu tilmaamayaan in mudooyinkii lasoo dhaafay uu safarro dhowr ah ku maray magaalooyinka Riyaad, Qaahira iyo dalka Cummaan.
Wasaaradda difaaca xukuumadda Yemen ayaa sheegtay in dilka Jeneraal Xasan Bin Jalaal ay mas’uul ka yihiin sirdoonno shisheeye, waxayna ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sababta dilka ka dambeysay iyo cidda mas’uulka ka ah.