HomeAll newsRuushka oo Duqeyn ay ku Dhinteen Dad Rayid ah ka Fuliyay Bariga...

Ruushka oo Duqeyn ay ku Dhinteen Dad Rayid ah ka Fuliyay Bariga Dalka Ukraine.

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ruushka ay duqeymo xooggan ka fuliyeen degaanno dhaca bariga dalkaas, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo rayid ah islamarkaana ay ku jiraan 3 caruur ah ayaa ku dhimatay, duqeymo ay diyaaradaha Ruushka la beegsadeen xarun shidaal oo ku taalla magaalada Kharkiev ee bariga dalka Ukraine, Duqeynta ayaa sababtay in dab xooggan uu ka kaco xarunta, taas oo keentay iney gubtaan illaa 14 guri oo ka ag dhawaa maxaddada shidaalka ee ku taalla magaalada Kharkiev ee bariga dalkaas.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayuu sidoo kale ku  faafay dabka, taas oo sii kordhisay xaaladda murugsan ee ka dhalatay duqeynta.

Ku dhawaad 50 ruux ayaa si dirqi ah looga soo bad baadiyay dabka ka kacay xarunta shidaalka iyo guryaha ku yaalla mandiqadda ay duqeyntu beegsatay.

Gudoomiyaha Mandiqadda oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in dabku uu baabi’iyay qeybo badan oo kamid ah xarunta iyo guryo badan oo halkaasi ku yiillay.

Waxa uu intaasi ku daray, in xarunta ay ku keydsanaayeen 3800 oo tan oo keydad shidaal ah, kaas oo uu soo gaaray khasaare baaxad leh.

Dalka Ukraine ayaa waxaa wali ka soconaya dagaallada culus iyo duqeymaha ay is weydaarsanayaan dowladaha Ruushka iyo Ukraine, dagaalkaan ayaana umuuqda mid aan rajo laga qabin in lasoo afjaro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular