Qarax aad uxooggan ayaa barqadii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Barri.
Qaraxa oo ciidamada Alshabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa lagu dhaawacay Axmed Koboc oo ah Taliyaha Booliska maamulka Puntland ee degmada Carmo.
Qaraxa waxaa kaloo ku dhaawacmay shan Askari oo katirsanaa ilaalada taliyaha.
Ciidamo iyo saraakiil katirsan Puntland ayaa isku gadaamay halka qaraxa uu ka dhacay.
Ammaanka Boosaaso ayaa faraha ka baxay waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay weeraro ka dhan ahaa ciidamada Puntland.