Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maalintii shalay gobalka Sh-hoose lagula beegsaday kolonyo ciidamo Caddaan iyo African isugu jira oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalkaas.
Qaraxyada ayaa midkood waxa uu haleelay gaari Taaw ah oo ay saarnaayeen Saraakiisha, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Ugu yaraan 9 Saraakiil Caddaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, iyadoona uu gabi ahaanba burburay gaariga Taawga ah ee qaraxa lala beegsaday.
Saraakiisha Cadaanka ah ee qaraxa lala eegtay ayaa waxay qaabilsanayeen qeybta Lojistikada ee ciidamada shisheeyaha Africanta, gaar ahaan qeybta raashiinka iyo dhismaha xeryaha ay dagayaan ciidamada shisheeye.
Dhaawaca ilaa 5 sarkaal oo uu ku jiray taliyha qeybtaan oo u dhashay dalka Fransiiska kaasoo lagu magacaabo (Rocci) kuwaasi oo dhaawacooda garaab yahay ayaa saaka laga qaaday xerada Xalane, iyagoona loo qaaday dalka Kenya.