Saacado gudahood waxaa mar kale dalka Mareykanka ka dhacay weerar toogasho ah oo lagu beegsaday dad American ah, kaas oo geystay khasaare nafeed sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan boliska dalkaas.
Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhaawacamay weerarkaan Toogashada ah oo ka dhacay goob laga raaco Tareennada dhulka hoostiisa mara oo ku taalla magaalada New-York ee dalka Mareykanka, sida uu shaaciyay madaxa dab damiska ee magaaladaas.
Warbaahinta maxalliga ah ee gudaha dalka Mareykanka ayaa soo tabineysa, in 2 ruux oo hubeysan ay rasaas oodda kaga qaadeen, rakaab sugayay iney raaceen mid kamid ah tareennada dhulka hoostiisa mara ee ku sugnaa xaafadda Bronx ee magaalada New-York.
“Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhaawacantay toogashada, kuwaas oo 5 kamid ah ay xaaladoodu halis tahay, midkoodna ayba aad u daran tahay, halka kan lixaadna uu soo gaaray dhaawac fudud” ayuu yiri afhayeen u hadlay maamulaha waaxda dan damiska ee magaalada New-York ee dalka Mareykanka.
Waxa uu intaas ku daray in dhammaan dadka dhaawacyada qaba loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada, halkaas oo iminka lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa boliska Mareykanka ayaa goor dambe sheegtay, in mid kamid ah dadkii dhaawacyada soo gaaray uu ku geeriyooday isbitaalka.
Xaafadda ku taalla magaalada New-York ee uu weerarka toogashada ah ka dhacay ayaa kamid ah xaafadaha ugu faqriga badan ee magaaladaas, taas oo dadka ku nool tiradooda lagu sheegay 8.5 Milyan oo ruux.
Saacado ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale toogasho uga dhacday dalka Mareykanka lagu dhaawacay ugu yaraan 2 ruux, waxaana dalkaas si joogta ah kaga dhaca weerarada nuucaan ah ee gallaafta nolosha kumannaan ruux.