HomeAll newsTPLF oo ku faantay in ay haysato 270,000 oo dagaalyahanno hubaysan.

TPLF oo ku faantay in ay haysato 270,000 oo dagaalyahanno hubaysan.

 

Inkastoo xal laga gaaray joojinta dagaalkii sokeeye ee ka socday waqooyiga wadanka Itoobiya hadane weli waxaa taagan colaaddii siyaasadeed ee udhaxaysay labada dhinac.

Majaacada laayaanka ah ee ku dhufatay ismaamulka Tigreega iyo gaabiska gurmadkii laga filayay dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiinta ugu sarraysa jabhadda Tigreega.

Markii ugu horraysay kooxda TPLF waxay sheegtay in boqolaal kun oo kamid ah dagaalyahanadeeda aan hubka laga dhigin oo ay weli hubkooda garwaaxsanyihiin.

Getachew Reda oo ah madaxweynaha kumeel gaarka ah ee ismaamulka Tigray ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanadoodu ay diyaarsanyihiin balse ay ku taaganyihiin wadiiqada nabadda.

Reda wuxuu ugu baaqay xukuumadda Addis Ababa in ay wada fuliso dhammaan qodobadii ku xusnaa heshiiskii Beritooriya ee dalka Koonfur Afrika.

in kooxda TPLF ay weli haysata 270,000 oo dagaalyahan ayaa ka dhigan in ay ka tira badanyihiin ciidamada guud ee melleteriga Itoobiya.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed qabtay talada itoobiya sanaddii 2018 ayay dagaallo sokeeye ka dhax qarxeen qowmiyadaha kala duwan ee wadanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular