HomeAll newsWaa xagee degaanka askarta gabadhaha ku kufsadaan raga u soo gurmadana dilaan?

Waa xagee degaanka askarta gabadhaha ku kufsadaan raga u soo gurmadana dilaan?

Ciidamada u Diiwaan gashay  Maamulada  Soomaaliya Shisheeyuhu ka dhisay waxay Caan ku yihiin Dilka iyo dhaca Shacabka, Kufsiga Haweenka midyar iyo mid weynba  sida laga arki karo Muuqalo badan oo ay ku jiraan kuwo laga duubay dadkii la dilay meydadkoodi ama hablihii la kufsaday oo hadlaya sheegayana sidii wax u dhaceen.

Iminka waxaa dhiigoodu weli qoyan yahay laba Wiilloo lagu kala magacaabo, Xuseen Shiraaye Maxamed Abuukar Cali Yar yare kuwaasoo habeen hore uu toogtay askeri ka tirsan Dowladda Federaalka kadib markii ay u soo gurmadeen Gabar uu kufsanayay Xilli Dambe oo dadku jiifeen kuna beegneyd Sagaal Saac oo Habeenimo sida ay Sheegayaan Dadka ku dhaqan Degaanka Carafaad oo u dhaw Xerada Ciidamada Hiil weyne oo  kutaala inta u dhaxeysa Magalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale wuxuu askeirgu dhaawacay Wiil kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Muxamad waxaana dadka Degaanku Sheegayaan in wiilasha la la dilay iyo kan la dhaawacay iyo Gabadha la kufsanayayba ay Deris iyo qaraabo ahaayeen taasuna keentay in ay eega waayaan falka foosha xun ee lagula kacayo.

Dadka Degaana ayaa Shalay dhigay dibad Bax ay kaga soo horjeedaan ficilkaan Gurracan waxaanay xirteen wadada Laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Muqdisho iyagoo sheegay in aan Meydadka la aasi doonin ilaa askeriga dilaaga ah asigana la toogto.

“Xerada Hiilweyne (askarta joogta) Dhibaato ayaan ku qabnaa, Guryihii Rasaasta ayaan ka joogi weynay, wadooyinki ayaan ka mari weynay, Beeraheeni ayaan ka fala weynay, Xoolihii ayaan ka ilaali weynay, Ciyaalki waa argagaxeen’ ayuu yiri Midka mid ah Odayaasha Degaanka oo ka soo muuqday Muuqaal laga duubay Bulsahda Degaanka oo cabaneysa.

Midka mid ah Dhalinyarada Degaanka oo la wareystay lana yiraahdo Cabdullaahi Shiraaye Maxamed lana dhashay  Wiilasha la dilay midkood  ayaa yiri  “ Xasuuq wadareedbaa naloo geystay waa nala laayay niman askar ah oo Xerada Hiilweyne ka tirsan baa na laayay” .

Wuxuu intaa ku daray “ Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Habeen kasta nala laayo, in lala dilo, in  Haweenka la kufsado iyo in nala dhaco”

Waxaa kale oo uu yiri “Askerigu wuxuu Baas ku furay wiilal ka ceshanayay Gabar uu xoogayay, hal qasnad buu u dhmeeyay  laba ayaa dhimatay wiil kalena waa dhaawacmay”’

Dowladda Federaalka ayaa ka cabsatay in  arintu faraha ka sii baxdo oo kacdoon dad weyne ka dhasho falkaan dhacay, waxaana Degaanka Tegay Xidlhibaan Cismaan Xaaadoole oo asigu qudhiisu lahaa jiray mooryaan dadka dhacda isla markaana disha kadibna Xildhibaan Markuu  dalacay Mooryaantiisana tuute loo gelshay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in askartoodu iyagoo Sarqaansan oo qoryahooda amaanku u furan yahay isla markaana Godka Baaska uu joogo ay Haweenka ka kordhacayaan.

‘Wiilashaas Meesha lagu dilay Allaah ha u naxariisto, in Dadka Saas loo laayo  oo  nin Ciidan Sheegahaa  Dilo waxaan aqbaleyno ma ahan’ ayuu yiri Xildhibaanku.

Wuxuu Yiri ‘Nimankaan (Askarta) looma soo dirin in ay Inta Xashiish ka soo dhergaan ay iyagoo qoryo baas saran wata guryha iyo aqalada ku yaacaan ee dadka aroosyda qabo habeenki Xabado ku furan, ee Gabadhaha Kufsadaan, ee dadka laayaan”.

Ddka ku dhaqan Degaanada u dhaxeeya Baclad iyo Buqdisho ayaa sida muuqatawajahaya xaalad amni daro oo heerkeedu  saa’id yahay.

Ciidamada dhibaatooyinka ka geysanaya Hiil weyne iyo Carafaad iyo waa qayb ka mid ah askarta Dowladda Federaalku ula baxday Ilaalo qaran ee lagu soo tababaray Dalka Eritrea.

Bulsahda ku dhaqan Degaanada ay ka taliso Xarkaada Shabaabaul Mujaahidiin ayaa haysta Amni aan Soomaaliya asigoo kale horay loogu arag halka Meela ay ka Talshaan Dowladda Federaalka ah iyo Maamulada ka farcama dadka ku noolu sheegayaan in dhibaatada haysata ee nooc walba leh ay ka daran tahay Tii sagaashameedkii Markii ay Burburtay Dowladda Soomaaliya Bulshadu wajahaday.

Radioalfurqan.net

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular