HomeAll newsWarbixin: Maxaad Ka Ogtahay Dhibaatada Heysata Muslimiinta Qazza.

Warbixin: Maxaad Ka Ogtahay Dhibaatada Heysata Muslimiinta Qazza. [DHAGAYSO]

“ Waxay joojiyeen aabahay, walaalkey iyo rag qaraabadeyda ah, kadibna hooaday horteeda iyo horteenna ayay ku dileen, kadibna haweenkii ayay hal qol isuug geeyeen, markaas bay taangi la dheceen, waxaana halkaas ku shahiiday labo haween ah, intii soo harteyna dhaawacyo ayaa soo gaaray”.

Sidaas ayay Israa ku tilmaamtay dhibaatada ay gaarsiiyeen ciidamada Yahuudda ee ku sugnaa Qazza, haweeney kale oo lagu magacaabo Ruwanda waxay iyaduna tilmaameysaa in dahab badan oo ay lahayd ay ka dheceen askarta Yahuudda, markaa kadibna u amreen iney guriga kasoo baxdo, wixii rag ahaa ee halkaas ku jireyna ay ku dumiyeen.

Tani maahan sheekada filim jilliin ah oo ay jilaayaal ka yihiin kooxo dhiigyacab ah, laakiin waa muuqaaallo dhab ah oo ka tarjumaya xaqiiqda ay la nooladeen haweenka Qazza, kana la kulmeen ciidan aan lahayn wax dhaqan diineed iyo mid dadnimo toona, sidaba qaarkood ay tilmaamayaan.

Xaafadda Ar-Rimaal ee magaalada Qazza ayuu haweeneydani gurigeeda ku yaalay, waxaana ciidamada Yahuuddu amreen iney banaanka usoo baxaan caruurta iyo haweenka.

Waxay leedahay Ruwanda “ waxay nagu amraan inaan dhaqaaqno, iyagoo na faray inaan daqiiado gudahood aan lagu arkin wadada aan ku lugeyneyno, haddii kalena masiirkeena uu noqonayo geeri”.

Marka laga soo tago jariimadan ay ciidamada Yahuuddu ka geysanayaan banaanka guriga, waxaa jirta mid kale oo ka socota gudaha, waxay gacanta ku dhigeen raggii halkaas ku sugnaa oo uu kujiro xaaska Ruwanda, iyagoo ka dhigtay difaacyo bashari ah, si ay uga badbaadaan beegsi uga yimaada kooxaha Muqaawamada.

“ waxay qaawiyeen dhamaan raggii ay halkaas ugu tageen, kadibna waxay ku xireen kuraas halkaas taallay, waxay dab qabadsiiyeen qeybaha hoose ee guriga, iyagoo dabka gaarsiiyay tubooyinka haamanka shidaalka ee cunto karinta loo adeegsado, halkaas ayayna kaga dhaqaaqeen, marka laga sootago qaar kamid ah ragga oo ay maxaabiis ahaan horey ugu sii kaxeysteen” ayay leedahay haweeneydan.

Wiil 13 jir ah oo kamid ahaa caruurta guriga ku sugneyd ayaa kamid noqday dadka kuraasta lagu dul xirey, wuxuuna markaa kadib la hadlay mid kamdi ah askarta Yahuudda oo fahmayay luuqadda carabiga, si jees jees ah ayuuna ugu jawaabay “ waxyar kadib waxaad heli doontaa diirrimaad” isagoo ula jeeda dabka ay qabadsiiyeen guriga.

Inkastoo ciidamada Yahuudda ay kasoo baxeen gudaha guriga, labo dabaq oo kamid ah dhismaha shanta dabaq ka koobnaana ay basbeeleen, hadana dabaabaadka ciidamada Yahuudda ayaa banaanka dhoobnaa.

Zowjka Ruwanda ayaa isagoo taxadaraya, islamarkaana ogeyn xaalka dhabta ah ee halkan kajira wuxuu soo aaday dhinaca banaanka, wuxuu suureysanayay in xaafaddu ay is bedeshay, xaalkuna yahay mid adag, laakiin wuxuu arkay wax uga daran wixii uu suureysanayay.

Wuxuu arkay meydka hooyadii iyo aabihii oo banaanka yaala, halkaas oo ay ciidamada Yahuudda ku dileen, waxay leedahay Ruwanda “ afar maalin ayuu zowjkeyga ku ooynaya gudaha guriga, isagoo daaqadda taagan, maadaama aanu banaanka usoo bixi karin oo uu xirxiranyahay, wuxuu  u cudur daaranayay labadiisa waalid ee aanu awoodin xitaa inuu ku maamuso duugitaanka”.

4 maalin oo ay halkaas ku sugnaayeen dabaabaadka ciidamada Yahuudda, waxay ugu dambeeyeen ka tageen halkaas, Maajidna waxaa u suurogashey in Iabihii iyo hooyadii uu ku aaso beerta guriga, qabrigooda ayaana marqaati ka ah jariima aan weli dhamaan oo ay ciidamada Yahuudda kula kacayaan muslimiinta Qazza.

Meel aan sidaasi uga fogeyn guriga ay jariimadani ka dhacday ayaa waxa Iyana ka dhacay jariimo kale oo ay ku naf waayeen tobanaan ruux oo isku qoys u badnaa. Israa oo la hadashey mowqica Aljazeera ayaa horey u weysay aabaheed iyo walaalkeed, mar kale ayaana loo soo sheegay in wiil ay ilmo adeero yihiin ay dileen ciidamada Yahuudda.

Israa waxay leedahay “ waxay xoog kusoo galeen ciidamada Yahuudda guriga aan degneyn, kadib markii ay albaabada qaraxyo ku xireen, raggii ayay qaawiyeen, indhahana u duubeen, anagii haweenka ahaana waxay nagu amreen inaan soo degno, qaarkeen xijaabka ayay ka siibeen, hubka ay wateen ayayna dhabarka nooga garaaceen, iyagoo na aflgaadeynaya”.

Waxay haweenka ku amreen iney teleefannadooda furaan, si ay uga helaan waxay marmarsiyo uga dhigtaan jariimada ay geysanayaan, waxaana ay ku arkeen muuqaaallo iyo sawirro ka tarjumaya weerarkii 07-da October, xilligaas oo ay ciidamada Yahuudda ku qeyla dhaamiyeen “ ma waxaad ku faraxsantihiin wixii na gaaray?”.

Haweenkii ayay ciidamada Yahuudda isuug geeyeen guri kasoo horjeeda halkii ay xooga kusoo galeen, meel aan sidaas uga fogeyn oo u muuqata ayna ka arki karaan waxa socdana waxay isugu keeneen ugu yaraan 20 rag ah, kuwaasoo ay mid mid xabad ugala dheceen madaxa ama wadnaha.

Rasaas weliba oo dhacda waxay la tageysay qalbiga mid kamid ah haweenkaas, maadaama qofka la dilayo uu yahay waalidkeed, ama walaalkeed ama zowjkeed, “ waxaan keliya maqleynay aabahay oo naf baxaya, islamarkaana kucelcelinaya aayadda Quraanka ah ee tilmaameysa inaan dadka Alle dartii loo dilay loo maleyn iney dhinteen” ayay leedahay Israa.

Jariimadan kadib, waxay ciidamada Yahuuddu duqeyn ku billaabeen gurigii ay waa hore isugu geeyeen haweenka, gabdhihii halkaas ku dhaawacmey ayaana labo maalmood oo xiriir ah dhiig baxayay, iyadoo hay’adda Saliibka guduudan ay ka diiday iney usoo gurmato, iyadoo ku andacooneysa inaaney awood u lahayn iney ka shaqeeyaan wuqooyiga Qazza.

Markii ay haweenku kasoo baxeen guriga, waxay soo dul mareen meydadka ragoodii ay garanayeen, kuwaasoo jirkoodu maalmo qoraxda yaalo, Israa waxa keliya ay u awooday meydka aabaheed iyo walaalkeed ayaa ahaa iney u raadiso wax un ay dusha ka saarto.

Waxay leedahay Israa “ maadaama hadafkoodu ahaa iney na dilaan, maxay hal gantaal noogu wada dhufan waayeen, si aan halmar u wada shahiidno, mise waxay doonayeen inay sidan noo ihaaneystaan, qissasada gabood falkoodana ay noqoto mid ay jiilasha dambe wariyaan”.

Askarta Yahuudda waxay haweenka muslimaadka ah ka dhigteen kuwa ay ku shish bartaan, tani waa qissada gabar ilmo adeer la ah Israa, oo ay ciidamada Yahuudda ku amreen iney marto wado ay aamin ku sheegeen oo ay u tilmaameen.

Markii ay qaadahay dhabihii loo tilmaamay iyadoo wadata wiil ay dhashey, waxay ciidamada Yahuudda la dheceen shan xabadood, halkaas ayayna ku dhacday iyadoo shahiid ah.

Tani waa jaanib kamid ah qisaska murugada iyo calool xumada xambaarsan ee ay wajahayaan haweenka cafiifaatka ah ee Qazza, Allaahna waxaan u weydiineynaa inuu dhibaatada ka dulqaado.

Warbixin qisaska haweenka Muslimaadka ee Qazza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular