HomeUncategorizedWarbixin: Weerarkii 07-da October Waa Jab aaney kasoo Waaqsan doonin Yahuudda.

Warbixin: Weerarkii 07-da October Waa Jab aaney kasoo Waaqsan doonin Yahuudda.

Iyadoo uu soo dhowyahay heshiiska ballaaran ee lafilayo in ay kala saxiixdaan xoogaga muqaawamada Falasdiin iyo maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda lanasoo gabagabeeyo duullaanka magaalada Qaza ayaa si aad ah loo hadal hayaa guusha weyn ee ay soo hooyeen muslimiinta Falasdiin.

Warbixinno laga qoray howlgalka duufaanta al-aqsaa 07-dii October, aya muujinaya in yahuuddu ay lakulantay duullaannaakii ugu xanuunka badnaa abid tan iyo markii xoogga lagu dejiyay dhulalka muslimiinta Falasdiin.

“Howlgalkii 7-da Oktoobar waxaa  xarfo dahab ah lagula qori doonaa buugaagta taariikhda” waa ciwaanka maqaal lagu daabacay saxiifadda Yani Shafaq ee kasoo baxda dalka Turkiga.

Saadaq Cabdalla oo ah qoraha maqaalka ayaa si kooban isdultaag ugu sameeyay makaasibta waaweyn ee ay xaqiijisay camaliyadda duufaanta Al-aqsaa iyo wejiga cusub ee uu yeelan doono bariga dhexe mustaqbalka dhow.

Xoogaga muqaawamada ayaa bishii october ee lasoo dhaafay weerar naadir ah ku qaaday kiyaanka sahyuuniga ee afartameeyadii qarnigii hore lagu deegaameeyay dhulalka muslimiinta gaar ahaan Falasdiin,wuxuu ahaa weerar taariikhi ah oo muqaawamada uga dhignaa guulweyn Yahuuddana ugu suntanaa guuldarro taariikhi ah marka dhan walba laga eego.

Yahuudda ayaa awoodi waayay in ay sameeyaan wax uqalma caradii ay dagaalyahannada muqaawamadu kala duldhaceen saldhigyadooda ayna ku laayeen askar iyo saraakiil waxayna muuqawamadu howlgalkaas kusoo qabsadeen boqolaal maxaabiis ah.

Halkan ka dhagayso Warbixin maqaal lagu daabacay wargeys kasoo baxa Turkiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular