Ku dhawaad 10 katirsan Maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo au fuliyeen Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab.
Wararka ka imaanaya dalka Yeman ayaa ku waramaya in Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab ay weeraro qaraxyo ah la beegsadeen askar katirsan Maleeshiyaadka Xisaamul Amni ee ay soo taba baratay dowladda Imaaraatka Carabta.
Weerarada qaraxyada ah ayaa waxaa askartaan lagula beegsaday togga Waadi-Cowmraan ee dhaca Mandiqadda Muudiyah ee gobalka Abyan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ayaa lagu faahfaahiyay howlgalladaan qaraxyada ah ee ay Mujaahidiinta la beegsadeen Maleeshiyaadka Xisaamul Amni ee ka dhacay Mandiqadda Muudiyah ee gobalka Abyan.
Waxaa warka kasoo baxay Mujaahidiinta lagu sheegay, in qaraxyada oo 2 ahaa lagu dilay ugu yaraan 2 katirsan murtazaqada Xisamaul Amni, laguna dhaawacay 5 kale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah Xamlada Sihaamul Xaq ee ay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah kaga hortagayaan gulufka ay Maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni kusoo qaadeen degaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Yeman.