HomeAll newsDEG-DEG: Afhayeenka Xukuumadda iyo Xillibaanno Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Weerarka SYL.

DEG-DEG: Afhayeenka Xukuumadda iyo Xillibaanno Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Weerarka SYL.

Warar horudhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerarka weli ka socda hotelka SYL ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasoo ay ka dagaallamayaan ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xillibaan lagu magacaabo CUsmaan Dheere ayaa lagu soo waramayaa inuu kamid yahay xubnaha lagu dilay howlgalka hotelka SYL, halka ay jiraan xillibaanno horleh oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Xillibaannada kala ah  Abdirashid Jilay iyo Ismaaaciil Iidow ayaa sidoo kale kamid ah xillibaannada ay dhaawaycadu soo gaareen.

Farxaan Jimcaale, oo ah afhayeenka xukuumadda uu hogaamiyo Xamze Cabdi Barre ayaa isaguna lagu soo waramayaa inuu dhaawac daran kasoo gaaray weerarka hotelka SYL.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular