Ilo wareedyo warbaahineed iyo xubno katirsan Dowladda Federaalka ayaa tilmaamaya in xilibaanno katirsan labada aqal ee baarlamaanka Dowladda Federaalka ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay howlgalka ka socda hotelka SYL ee Muqdisho.
Xillibaan Cusmaan Cali, Xillibaan Faarax Cabdi oo katirsan aqalka Baarlamaanka ayaa ku dhaawacmay, sida ilo wareedyo ay tilmaamayaan, waxaa sidoo kale dhaawacyada kamid ah Sanatar Cabdi Risaaq oo katirsan aqalka sare.
Xillibaan Ismaaciil Iidow oo isaguna katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu qabo dhaawac halis ah.
Taliye Fanax oo isaguna ah taliyaha ciidamada booliiska ee Haramcad ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka, xaaladiisa caafimaad ayayna ka dayrinayaan dad ka ag dhow.