Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta saacaddu markii ay aheyd abbaara 8:00 oo subaxnimo waxay weerar cagmarin ah ku qaadeen, saldhigga ciidamada DF ee degaanka Baar-Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray ciidanka la xasmiyay.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gacanta ku dhigeen askar maxaabiis ah, iyo hub, iyo saanado ciidan.
Bayaan kasoo baxay taliska mellatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkii cagmarinta ahaa ee saakay ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni.