Maamulka iyo howlwadeennada Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay guud ahaan Umadda islaamka, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxaan Nafteena iyo umadda islaamkaba ku waanineynaa in laga faa’ideysto fadliga ku jira bishan, oo ay diinta Islaamka si faafaahsan uga hadashey.
Inshaa’Allaah Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay bishan barakeysan inta lagu guda jiro ay soo gudbin doonaa duruus iyo barnaamijyo xiiso leh oo faa’iido u leh Umadda Soomaaliyeed.
Barnaamijyada aan qorsheyneyno inaan soo gudbino waxaa kamid ah barnaamij loogu magacdaray “Barnaamijka Taariikhda Falastiin” oo ay bisha barakeysan ee Ramadaan idinkugu tala gashay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan.