HomeAll newsItoobiya oo Sii Deysay Cabdi Iley Si'ay Markale Ugu Adeegsato Xasuuqa Bulshada...

Itoobiya oo Sii Deysay Cabdi Iley Si’ay Markale Ugu Adeegsato Xasuuqa Bulshada Somali-Galbeed.

Cabdi Maxamuud Cumar oo ku magacdheer Cabdi Iley, islamarkaana muddo ku dhawaad 6 sano ku xirnaa xabsiga Qaaliti ee ku yalla Adis abababa, ayaa waxaa xabsiga la gasiidaayay khamiistii aynu soo dhaafnay.

Ninkan oo mar hogaan usoo ahaa maamulka itoobiya ay ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoosjira gumeysigeeda, ayaa waxaa 2018kii xabsiga utaxaabtay Xukuumadda Xabashida, isaga iyo dad kale oo katirsanaa maamulkii uu majaraha uhayay.

Sanado xabsi ah kadib, dowladda Itoobiya ayaa xabsiga kasii deysay Cabdi Ileey, wuxuuna isagu sheegay inuu sii deyntiis ka dameeyay Abiy Axmad. hase ahaatee su,aalo badan ayaa ku gedaaman saababta loosoo daayay.

Intii uu xukunka joogay ninkan kuna shaqeynayay awaamir Xabashida, wuxuu xasuuq , xarig iyo jirl dilba ugeystay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ilaa iyo haatan la daalaadhacaya dhibaatadii uu geystay.

Waxyaabihii lagu eedeynayay ninkan intuu uu xirnaa waxaa kamid ahaa, inuu ka dambeeyay dhimashada 59 Ruux, iyo dhaawaca 250 kale, kuuwaasoo ku dhintay xabsiyadii lagu tacdiibinayay, iyo qaar kale oo halkaasii ay joogeen ku burburiyay.

Cabdi Ileey ayaa haatan jooga Magaalada Adisa ababa ee caasimadda dalka itoobiya, waxaana siideyntiisa kasoo baxaya warar kala duwan,

Warbaahinta ayaa tebineysa warar la xiriira suurtagalnimada in itoobiya ay si hoose udisho Cabdi Ileey, maadaama ay caan ku tahay faalaka noocaan ah.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta sii deynta Cabdi Iley

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular