Wararka ka imaanaya magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka ayaa tilmaamay in toogasho khasaare badan dhalisay ay ka dhacday goob laga dukaameysto oo ku taalla magaalada, ayna ka socotay xaflad music.
Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa iney gudaha u galeen xarunta ganacsiga Carocos City ee magaalada Moskow, halkaasna ay ka geysteen toogasho dhalisay khasaare kala duwan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha, inta haatan la ogyahay waxaa dhintay 40 ruux, halka inkabadan 100 qofna ay ku dhaawacmeen.
Ragga toogashada geystay ayaa lagu soo waramayaa iney aad u hubeysnaayeen, 4 kamid ahna goobta ay ka baxsadeen.
Ciidamo katirsan ammaanka dalka Ruushka iyo hay’adaha gurmadka deg-dega ayaa soo gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, dowladda Ruushka ayaana weerarkan ku tilmaamtay inuu yahay ” mid argagaxiso”.
Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda rasmiga ah ee weerarka, Maraykanka ayaana sheegay in weerarkan aaney ka dambeynin dowladda Ukraine.