Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar cagmarin ah waxay ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaaka ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Busleey oo hoostaga deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka Muqdisho.
Ciidamada la weeraray waxay katirsanaayeen guutooyin katirsan ciidamada Dowladda Federaalka oo dhawaanahan deegaanno katirsan Shabeellaha Hoose ka waday weeraro arbushaad ah oo ka dhan ah deegaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada Dowladda Federaalka, waxaa sidoo kale jira maxaabiis nool nool, deegaanka lagu dagaallameyna waxaa gacanta ku haya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.