Wararka ka imaanaya dalka Peru ee dhaca galbeedka Americada Koonfureed ayaa ku waramaya, in shil geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay dalkaas.
Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaaan, halka ay ku dhaawacmeen 36 kale, sida ay soo tabineyso warbaahinta gudaha ee dalkaan dhaca galbeedka Americada Koonfureed.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Tareen iyo gaari Bas ah, war kasoo baxay wasaaradda gaadiidka ee dalkaas ayaana lagu sheegay in 4 ruux ay ku dhinteen shilka kuna dhaawacmeen 36 kale.
Gaariga Baska ah oo siday dad rakaab ah ayaa waxa uu ka yimid magaalada Lima, isagoona kusii jeeday mandiqqadda Huwankayo, waxa uuna shilku ka dhacay Mandiqad ay ku yaallaan Buuro waaweyn.
Illaaa iyo hadda lama oga sababata rasmiga ah ee ka dambeysa shilkaan khasaaraha nafeed dhaliyay ee ka dhacay dalka Peru.
Warbaaahinta gudaha oo soo xiganeysa Boliska ayaa sheegtay, in eedda shilkaan uu leeyahay darawalka ka xeynayay gaariga Baska ah, kaas oo ay bolisku sheegeen inuu isku dayay inuu ka gudbo khadka tareenka wax yar ka hor inta uusan tareenku gudbin.