HomeAll newsCiidanka Iiraan oo Xuduudda Pakistan ku Dilay Askar Katirsan Xukuumadda Islamapad.(Warbixin)

Ciidanka Iiraan oo Xuduudda Pakistan ku Dilay Askar Katirsan Xukuumadda Islamapad.(Warbixin)

Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xuduudda dalka Pakistan, kaas oo ay fuliyeen askar katirsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayna ku dileen askar Pakistaniyiin ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ku sugan dalka Pakistan ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 4 askari oo Pakistaniyiin ah ay dhinteen laba kalena ay dhaawacmeen, kadib markii ciidamada xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen askarta Pakistan oo u dhow xadka gobolka Balochistan ee koonfur galbeed dalka Pakistan.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa in askarta xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay si bareer ah rasaas ugu furaan kuwa xukuumadda Pakistan, Nuceym Cumaraani oo ah masuul katirsan xukuumadda Pakistan ayaana sheegay iney wadaan baaaritaanno ku aaddan sababta ka dambeysa weerarka ay soo qaateen askarta nidamka Shiiciga ah.

Waxaa xusid mudan in madaxweynihii geeriyooday ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan Ibraahim Ra’iisi uu booqasho qaadatay muddo 3 maaalmood ah ku tagay dalka Pakistan bishii April ee lasoo dhaafay, xilli ay labadaan dowladood ku howlanayaan dib uhaaajinta cilaaqaadkooda, kadib dagaaallo culus oo aan horay loo arag ay sannadkaaan dhex mareen labada daraf.

Booqashada uu Ra’iisi xilligaasi ku tagay dalka Pakistan ayaa lagu sheegay iney taahay tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday sidii dib loogu soo celin lahaa cilaaqaadka uu nidaamka Shiiciga ah la leeyahay xukuumadda Islamapad.

Dowladaha Iiraan iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeyo xiriir aan wanaagssaneyn, waxayna xaaladdu kasii dartay bishii June ee lasoo dhaafay, kadib markii ay labada dhinac isweydaaarsadeen duqeymo culus, kuwaas oo la sheegay iney yuhiin kuwii ugu xumaa ee ka dhex dhac dowladahaan.

Xilligaasi waxa ay Pakistan uyeeraataay Safiirkeeda ufadhiyay Tehran, umana ogolaan dhiggiisa inuu ku laabto Islamabad, waxaa u sii dheeraa inay baajisay dhammaan wadahadaladii diblomaasiyadeed iyo xiriirradii ganacsi ee heerka sare ahaa ee kala dhexeeyay Iiraan.

Waxaa la sameeyay juhuud badan si loo yareeyo xiisadaha ka dhex taagan darafyadaan, iyo in dhinac walba uu ixtiraamayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee midka kale, iyadoo ay weheliso ballan qaadyo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo codsi ku aaddan in labada safiir ay dib ugu soo laabtaan xilalkooda.

Pakistan waxa ay sheegeysaa iney beegsatay fariisimo ay ku sugan yihiin kooxaha xureynta gobalka Balochistan, halka Iiraan ay iyana sheeganeyso iney beegsatay kooxaha jamaacda la magac baxday Jeyshul Cadli, kooxahaas oo ku kala sugan Iiraan iyo Pakistan, balse ay waraku tilmaamayaan in duqeymaha ay beegsadeen ciidamo kala taabacsan labada dowladood.

Jamaacaadkaan hubeysan ayaa waxa ay ka kala howlgalaan gobalka Balochistan ee dhaca koonfur-galbeed ee dalka Pakistan, iyo Mandiqadda Sistan oo dhacda gobalka Balochistan ee isana ku yaalla Koonfur Bari ee dalka Iiraan, waxa ayna marar badan fuliyeen weeraro lagu laayay askar katirsan xukuumadaha ispalamad iyo Tehran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular