Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ee dhaca dhulka barakeysan ee Shaam ayaa ku waramaya, in diyaaraha dagaalka ee Maamulka Yahuudda halkaasi ka fuliyeen duqeymo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.
Wakaaladda wararka ee Nidaamka Nuseriyada Bashaar Al-Asad ayaa shaaca ka qaaday, in duqeymaha diyaaradaha Yahuuddu ay beegsadeen guryo ay dagan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla mandiqadda Baanyaas ee gudaha dalkaas.
Waxa ay shaacisay in canug yar ay ku dhimatay duqeynta ayna ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, iyadoo sidaba caadada u’ah sheegtay in nidaamkooda difaaca hawada ay ka hortageen weeraro ay fulin rabeen diyaaradaha Yahuudda oo ka dhaca magaalada Ximis.
“Diyaaradaha codowga Isra’il ayaa weerar caadowtooyo oo ay kasoo qaadeen dhanka dhulka Lubnaan waxa ay ku beegsadeen xarun iyo mid kamid ah guryaha dadka shacabka ah ee ku yaalla magaalada Baanyaas ee Mandiqadda Saaxilka, kaas oo sababay dhimashada gabar yar iyo dhaawaca 10 ruux oo rayid ah, iyadoo ay jiraan khasaare hantiyeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Nuseyriyada oo ay baahisay wakaaladooda wararka ee Sana.
Markazka waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ayaa dhankiisa sheegay, in 3 askari oo Suuriyaan ah balse ushaqeynayay maleeshiyaad taabacsan Shiicada Lubnaan lagu dilay duqeyn ka dhacday Baadiyaha magaaada Ximis ee dalka Suuriya.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay geerida gabadha yar iyo in duqeyntu ay beegsatay warshad lagu sameeyo doomaha kalluumeysiga, halkaas oo ay ku sugnaayeen laba ruux oo aan nolol iyo geeri toona lagu heynin.
“12 Ruux oo dhaawacyo qaba ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baanyaas, kadib markii duqeyn lala beegsaday guri la dagan yahay oo ku yaalla magaalada” ayuu sidoo kale yiri Markazka waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya .
Diyaaradahaa Maamulka Yahuudda ayaa marar badan duqeymo ka fuliyay dalk Suuriya, kuwaas oo ay ku beegsadeen faariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka Nuseyriyada iyo Maleeshiyaadka taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, waxaana intaas dheer in duqeymaha ay sidoo kale beegsadaan dadka rayidka ah, kuwaas oo ay waxyeello kala duwan kasoo gaarto duqeymaha.