Wargeyska Lemond ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo waaqica qaraar ee nolosha bulshada ee kajirta dalka Hindiya, labadii muda xileed ee uu dalkan ra’iisul wasaaraha ka yahay xagjirka lagu magacaabo Narinda Muudy oo ku tilmaaman neceybka fog ee uu u hayo Islaamka iyo Muslimiinta Hindiya.
Wargeyska ayaa tilmaamaya in labada muda xileed ee ra’iisul wasaarahan uu dalka Hindiya noqday dal ku tilmaaman waxa loogu yeero sinnaan la’aanta bulshada xitaa kuwa Hinduuska ah, iyadoo dalku astaan u noqday heerka dabaqadaha kala duwan, iyadoo dadka hantiiliyaasha ah ay sii kordhisanayaan hantidooda, halka kuwa fuqarada ahna uu maalinba maalinka kusii xoogeysanayo faqriga iyo gaajada.
Warbixintan oo ay qortay wariyad u shaqeysa wargeyska Lemond oo ku sugan magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya ayay ku sheegtay iney dalka kajirot dabaqado kala gedisan oo muuqata, iyadoo aaney xukuumadda dalka ka jirta ballaarin adeegyada bulshada.
Waxay tilmaameysaa in xaafad lagu magacaabo mustacmaradda difaaca oo ku taalla magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya ay tahay xaafad sareysa oo ay degaan saraakiisha howlgabka ah ee ciidamada, ganacsatada maalqabeennada ah, masuuliyiinta warbaahinta noocyadooda kala duwan iyo dadka ka yimaada qurbaha.
Xaafadan ayaa kirada guryaha waxay ka mareysaa meel aad u sareyso, iyadoo guryaha qaar lagu kala kireysto 1000 Yuru oo ah lacag badan, waana xaafad ku tilmaaman qurux, iyadoo ku soocan dhismayaasha dhaadheer ee ay hareerahooda geedaha caleemaha qoyan leh ka baxaan.
Waxaa xaafadan usoo shaqo taga muruq maalato kala duwan oo qaarkood ka shaqeeya dhismaha guryaha cusub, halka qaarkoodna ka shaqeystaan cunto karinta, beer waraabinta, iyo xitaa ciyaarsiinta caruurta aaney waalidiintoodu dooneynin iney waqti badan la qaataan.
Caruurta ku nool xaafadan ayaa dhigta iskuullada waxbarashada ee ugu sareysa magaalada caasimadda ah, intooda badan waxaa subixii horey u qaada darawalka qoyska oo ay shaqadiisu tahay in caruurta uu geeyo goobaha waxbarashada kana soo celiyo marka ay xiisadaha soo dhamaadaan.
Laakiin meel aan sidaasi uga fogeyn oo 30 daqiiqo loogu socdo baska, waxaa ka jirta nolol ka duwan tan ka jirta xaafadan ay warbixintu soo tilmaamtay, dadka ku nool ayaa la daala dhacaya culeesyada nolosha, iyagoo aan heysanin taageerada iyo taakulada xukuumadda hinduuska ee kajirta wadanka.
Haweeney lagu magacaabo Raajni oo ay warbixinta uu daabacay wargeyska Lemond soo xiganeyso waxay 3 qol oo kiro ah ka degantahay xaafad ay ku noolyihiin dabaqadda shaqaalaha, iyadoo kiro ahaan u bixisa lacag dhan 10 kun oo Ruubi, oo ah qeybta ugu badan ee mushaarka billaha ee ay ku shaqeyso, kaasoo gaaraya 25 kun oo Ruubi.