Xeebaha Badda Cas waxaa wali ka soconaya loollanada udhexeeya isbageysiga uu hogaaminayo Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yeman, islamarkaana xiriirka laleh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa xeebahaan kusoo badanayay weerarada ay geysanayaan dhinacyadaan isku haya Mandiqadda, kuwaas oo midba uu sheeganayo inuu soo riday diyaarado dagaal.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday, in ay soo rideen diyaarad Drone ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.
Diyaaraddan ayuu talisku sheegay in ay kusoo rideen xeebaha Badda Cas, si gaar ah Mandiqad ay gacanta hayaan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ku taalla dalka Yeman.
“Waxaan ku guuleysanay inaan biyaha badda cas ku burburinno diyaarad Drone ah, Diyaaradaha Drone-ka ah waxa ay tahdiid adag ku hayaan Maraakiibta ganacsi ee isticmaasha xeebaha Mandiqadda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.
Waxa ay intaasi ku dareen in tallaabooyinka nuucaan ah ee lagu beegsanayo diyaaradaha ay leeyihiin Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay gacan ka geysanayaaan sugidda ammaanka maraakiibta, iyo sidii xeebahaan looga dhigi lahaa kuwa aamin ah oo ay isticmaalaan Maraakiibta Mareykanka, kuwa taxalaufka iyo doomaha ganacsi.
Mareykanka ayaa dadaal ballaaran ku bixinaya sidii uu kaga hortagi lahaa weerarada ay geysnaayaan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacan saarka laleh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, waxaana uu sameeyay isbabeysi uu ukaashanayo xakameynta weeraradaas.
Balse waxaa muuqaneysa in uu ku fashilmay tallaabadaas, Xuuthiyiintana ay sii wadaan weeraradooda ka dhanka ah Maraakiibta iyo doomaha isticmaaleysa xeebahaan, iyagoona had iyo jeer sheegta iney beegsadaan Maraakiib uu taxaalufka Mareykanka hogaaminayo uu leeyahay, amaba ay soo rideen diyaado Drone ah ay leedahay xukuumadda Washington.