HomeAll newsMidowga Yurub oo Sheegay In Ciidankiisa uu Kala Baxayo Dalka Niger 30-ka...

Midowga Yurub oo Sheegay In Ciidankiisa uu Kala Baxayo Dalka Niger 30-ka May ee 2024-ka.(Warbixin)

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu fashilmay duullaanka Saliibiga ah ee lagu qaaday dalalka dhaca galbeedka qaaradda Africa, waxaa isa soo taraya dowladaha reer-galbeedka ee ciidamadooda kala baxa wadamada dhaca Mandiqaddaas.

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday, in ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Niger, islamarkaana uu soo afjarayo duullaankii uu madada ku joogay dalkaas.

30-ka Bishaan May ee dhammaadka ah ayuu Midowga sheegay inuu soo afjarayo howlgalkii millatari ee tobannaan askari oo ciidamadiisa ay ku joogeen dalka Niger, isagoo usababeeyay wadiga siyaasadeed ee golaha millatariga ee dalkaas ku maamulayo Niger.

Tan iyo sannadkii 2023-ka, Niger waxa ay xiriir wanaagsan la laheed dowladaha ree-galbeedka, balse golaha millatariga ee afgabmiga kula wareegay talada dalkaas ayaa Faransiiska oo muddo gumeysan jiray dalkaan ku riixay inuu ciidamadiisa kala baxo Niger, iyagoo sidoo kale ogolaaday in Mareykanka uu isana isaga insixaabo dalkaas, kolkaas oo taa badalkeeda ay xoojinayaan cilaaqaadka ay laleeyihiin Ruushka.

Howlgalka Midowga Yurub ee dalka Niger ayaa la aasaasay sannadkii 2022-ka, waxaana uu ka koobaan yahay inta udhexeysa 50 illaa 100 askari, kuwaas oo xukuumadda dalkaas ka saacidaya arrimaha Loojistikada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida ay sheegtaan.

22-kii bishii December ee sannadkii 2022-ka ayay dufcadii ugu horreysay ee ciidamada Faransiiska isaga baxeen dalka Niger, ee dhaca mandiqadda Saaxilka, insixaabkaas ayaana ka dhignaa darbo xooggan oo ku dhacday nufuudda uu Faransiisku ku leeyahay galbeedka qaaradda Africa.

Isbuuc kahor ayay sidoo lale aheyd markii xukuumadda Niyami iyo Washington ay bayaan wadajir ah ku sheegeen, in ay gaareen heshiis ah in ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan dalka Niger, waxaana si toos ah ubilawday qorshahaaas oo socon doona illaa 15-ka bisha September, golaha millatariga ee Niger ayaana Washingin ka qodsaday in ciidankeeda oo tiradooda lagu sheego ku dhawaad 1,000 askari ay isaga baxaan dalka.

Waxaa muuqaneysa in awooddii dowladaha reer-galbeedka ay kusii yaraaneyso Mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Africa, taas badalkeedana ay booskooda buuxineyso dowladda Ruushka oo galaangal siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku yeelaneyso wadamada dhaca galbeedka qaaradda Africa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular