HomeAll newsSuudaan oo Sheegtay in Ruushka uu ka Dalbaday in Xarun Shidaal Laga...

Suudaan oo Sheegtay in Ruushka uu ka Dalbaday in Xarun Shidaal Laga Siiyo Badda Cas.(Warbixin)

Sarkaal sare oo katirsan millatariga xukuumadda Suudaan laguna magacaabo Yaasir Al-Cadaa, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ruushka ay dalbtay in  in xarun Shidaal laga siiyo  xeebaha Badda Cas, taas oo ay ku beddelanayaan hubka iyo rasaasta xukumadda Moscow ay siinayso ciidanka Suudaan, heshiisyada la xiriira arrinkaanna ay yihiin kuwa mardhaw la gaari doono.

Al-Cadaa oo ah xubin sare oo katirsan golaha kumeel-gaarka ah ee Suudaan, sidoo kalena ah la taliyaha hogaamiyaha millatariga Suudaan C/fataax Al-Burhaan ayaa hadalkaan ka dhawaajiyay xilli uu wareysi siinayay telefishinka Al-Xadath ee laga leeyahay wadamada Carbeed.

Madaxweynaha xukuumadda Suudaan ninka lagu magacaabo Cabdil Fitaax Al-Burhaan ayaa lagu wadaa inuu heshiiskaasi saxiixo, si dawladda Ruushka ay hubka uga taakulayso ciidanka Suudaan ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah oo iyagana garab ka helaya Imaaraatka Carabta.

Waa iskudaygii labaad oo ay dowladda Ruushka ku dooneyso iney dekad ama saldhig millatari ay kaga sameysato qeybo kamid ah dalka Suudaan, Sannadkii 2022-ka ayaana si rasmi ah loo shaaciyay in Ruushka uu ku fashilmy dhisida dakad iyo Saldhig military oo ay ka rabtay wadanka Sudan, Kadib markii ay fara galin ku sameysay xukumada Washington, taas oo xilligaasi xaliif dhow la aheyd madaxda military-ga ee xooga ku qabsaday talada wadankaasi.

Wargeyska Bloomberg ee fadhigiisu yahay dalka Mareykankaa ayaa xilligaasi daabacay warbixin cinwan looga dhigay, Riyadii Ruushka way rumoobi weysay, taas oo lagu falanqeynayay sababaha hor istaagay in la saxiixo heshiskan, oo ay hadal heyntiisu soo bilaabatay sanadki 2020ka.

Inkastoo aan hadda si rasmi ah loo shaacin halka uu Ruushku ka rabo xarunta Shidaal, ayaa haddana isku daygii hore Madaxweynaha Ruushka Faladamir Putin uu dalbaday Dekada Port Sudan, taas oo ah dakada ugu weyn uguna dhaqdhaqaqa badan guud ahaanba dalka oo idil.

Dowlado shisheeye ee reer-galbeedka oo dano kala duwan kaleh dalka Suudaan ayaaa hurinaaya dagaallada xooggan ee mudada ka badan sannadka ka soconaya dalka Suudaan, islamarkaana udhexeeya ciidamada millatariga ee uu hogaamiyo C/fataax Al-Burhaan iyo Maleeshiyaaadka gurmadka degdegga ah, sidookale dawladaha Carbeed ayaana lasoo warinayaa in ay qab ka yihiin hurinta colaadaasi oo ay ugu horreyso Imaaraatka Carabta.

Diblimaasiyiin reer-galbeed ah ayaa sheegaya in Ruushku uu sidoo kale horumariyay cilaaqaadka uu la leeyahay Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ee uu hogaamiyo Xamdaan Doqlo, kuwaas oo muddo sannad kaamil ah dagaal kula iro mellatariga xukuumadda Suudaan, sidoo kalena ay xukuumadda Moscow gacanta ku heysto Murtazaqada Fagnar oo ay iyadu sameystay, kuwaas oo ay ku baahisay wadamo badan oo dhaca bariga iyo galbeedka qaaradda Africa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular