Warbixin cusub oo maanta oo Khamiis ah uu baahiyay markaz caalami ah oo ka hadla arimaha horumarka ayaa lagu sheegay in dahabka laga soo saaro Afrika ee loo tahriibiyo Imaaraatka Carabta uu sii kordhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, boqollaal kun oo tan oo dahab ah oo ku kaca tobanaan bilyan oo doollarna ay si sharci ah uga soo baxaan qaaradda Afrika.
Sida lagu sheegay warbixintan uu baahiyay markazka Suweys Iid, waxaa sanadkii 2022-ka laga soo tahriibyay Afrika dahab dhan 435 tan, kuwaasoo lacag ahaan ka badan 30 bilyan oo dollar, inta ugu badan dahabkanna waxaa lasoo baxay dahab qodato gacmahooda ku shaqeysta, oo aan taabacsaneyn shirkado waaweyn oo diiwaan gashan.
Dalka Imaaraatka Carabta ayaa noqday wijhadda koowaad ee ra’iisiga ah ee loo daabulayay dahabkan tiradabadan ee laga soo saaray dalalka Afrika, iyadoo la wareegtay 405 tan oo kamid ah dahabkii laga soo saaray Afrika sanadkii 2022-ka, sida warbixintu tilmaameysana wadarta guud ee dahabka gaaray Imaaraatka sanadkii 2022-ka wuxuu gaaray 2500 oo tan, kuwaasoo qiimo ahaan ku kacaya 115 bilyan oo dollar.
Masuul katirsan dowladda Imaaraatka Carabta oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, magaciisana aan la shaacin ayaa tilmaamay in dowladdu qaadatay tallaabooyin muhiim ah oo lagu daweynayo cabsida la xiririta dahabka tahriibinta lagu soo gelinayo dalka, lana meel mariyay xeerar cusub oo la xiriira dahabka, macaadinta iyo waxyaabaha kale ee dheymanta ama qaaliga ah.
2019-ka, warbixin ay daabacday wakaaladda Reuters waxaa lagu sheegay in dahab aad u farabadan oo ka yimaada Afrika uu soo gaaro suuqyada Imaaraatka Carabta, kuwaasoo noqday albaabka laga galo suuqyda dalalka Yurub iyo Maraykanka.
Marka laga soo tago in dahabkan sida tahriibka ah Afrika looga keeno, loona iib geeyo Imaaraatka Carabta in lagu weynayo lacago badan oo canshuuro ah, waxay dowladaha iyo khubarada qaar tilmaamayaan in tani ay ka tarjumeyso jiritaanka dhaqaale la loomi kara kan rasmiga ah ee dowladaha gacanta ku hayaan, kuwaasoo loo adeegsan karo lacag dhaqista, maalgelinta waxa loogu yeero argagaxisada iyo ka baxshadaha cunaqabateynnada, sida ay tilmaamayaan.
Maarik Oomil oo ah masuul katirsan markazka Suweys Iid, ahna mid kamid ah ragga diyaariyay warbixintan ayaa aaminsan in dahabka ka yimaada Afrika ee la keeno Imaaraatka Carabta halkaas lagu soo shiilo, kadibna loo iib geeyo suuqyada ganacsiga ee Yurub iyo Maraykanka, maadaama soo maritaanka Imaaraatka Carabta uu sharciyad ku kasbanayo dahabka, sida uu sheegayo baarahaan.
Dhagayso Warbixin_Imaaraatka_Carabta_oo_loo_tahriibyo dahabka Afrika.