Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar toogasho ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay iskuul ay Yahuuddu leedahay oo ku yaalla gudaha dalka Canada.
Iskuulkaan oo ugaar ah Haweenka ayaa waxa uu ku yaallaa magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana lagu qaaday weerar toogasho ah oo aan aan illaa iyo hadda la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xilli aroornimo ah oo ay iskuulka joogeen arday badan ayuu weerarku dhacay, waxaana ka dhashaay waxyeello kala duwan.
Taliyaha boliska ee mandiqadda uu weerarku ka dhacay ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay, in ruux hubeysan oo wata gaari nuuca raaxada aah uu kasoo dagay gaarigiisa, intaas kadibna uu rasaas oodda kaga qaaday iskuulka, taas oo dhalisay waxyeello soo gaartay iskuulka.
Boliska Canada ayaa ciidamo badan soo dhoobay xaafadaha ay ku badan yihiin dadka Yahuudda ah, si loo ilaaaliyo ammaaanka iskuullada Yahuudda iyo Macaabidda ay ku leeyihiin dalkaas.
Taliyaha Boliska oo aad uga carooday warar lagu baahiyay Internetka oo sheegaya in weerarkaan uu xiriir la leeyahay duullaanka ay Yahuuddu kawadaan Qaza ayaa sheegay, ineysan iska indho tiri karin waxa ka dhacay Toronto iyo hadafka weerarka toogashada ah, waxa uuna intaa ku daray iney qalad tahay in si fudud loo sameeyo waxa uu ku tilmaamay malo-awaal marxaladda nuucaan oo kale ah.
“Wararka ku saabsan toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ay leeyihiin Yuhuuda oo ku yaalla Waqooyiga York waa wax laga xumaado, waxaana waajib ah in cadaaladda la horkeeno kuwii geystay falkaas foosha xun ee Yuhuud nacaybka ah.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Canada oo ka hadlay weerarka.
Siyaasi Canadian ah ayaa isana ka digay weerarada nuucaan ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay cadaawad ka dhan ah Yahuudda, halka urur u’olaleeya xuquuqda Yahuudda oo isana ka dhisan Canada uu toogashadaan ku tilmaamay wax lagaa argagaxo.
“Xaaladdan naxdinta leh ee sii kordheysa ee lagula kacay carruurta Yuhuudda ah ee aan waxba galabsan waa in ay u noqotaa baaq toos ah oo ku wajahan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee magaaladeena iyo dhammaan dalkeenna.” ayuu yiri madaxa ururkaan udooda xuquuqda Yahuudda ee dalka Canada.
Marka ay sidaa u hadlayaan waxa ay iska indho tirayaan xasuuqa uu Kayaanka Suhyuuniga ah ka wado magaalada Qaza iyo dhulalka kale ee ku hoos jira gumeysiya Yahuudda, halkaas oo si joogta ah loogu laayo caruur aan waxba galabsan iyo dad maati ah.
Dowladaha reer-galbeedka ayaa ku dadaalaya iney ilaaliyaan amniga Yahuudda, iyagoona dambi weyn ka dhigaya weerarada lagu beegsanayo xarumaha ay Sahaayinadu leeyihiin iyo dadk Yahuudda ah ee ku nool dalalkooda, halka aysan dambi u’arag xasuuqa foosha xun ee ay maamulka gumeysiga kula kayo ehelkeenna ku nool Qaza.