Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa ku waramaya in weerar toos ah uu ka dhacay xaafadda Makuudo ee magaalada, halkaas oo lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed.
Ugu yaraan hal askari ayaa goobta lagu dilay, halka uu dhaawacmey mid kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana dib uga soo baxay goobta dagaalka.
Weerar kale oo aad u qorsheysan islamarkaana ay fuliyeen dagaalyahannada Shiishyahannada ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Howlgalka toogashada shiishka ah ayaa lagu beegsaday xerada ciidamada Itoobiya ee Waajid, waxaana lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo Itoobiyaan ah, iyadoo mid kale uu dhaawac soo gaaray.