Xamse Cabdi Barre oo ah ra’iisulwasaaraha DF oo dhawaan tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu la ashqaraaray dabaq weyn oo uu nin Soomaali ah ka dhistay magaalada Nairobo.
Xamse ayaa mucjiso ku tilmaamay guriga wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ajar laga helayo hawshan oo kale isagoo sheegay inuu u duceynayo ninkan gurigaa dhistay.
Ra’iisulwasaaraha DF horey looma arag isagoo u duceynaya ama ammaanaya ganacsatada guryaha waaweyn iyo xarumaha tijaarada casriga ah ka sameystay caasimaddda, waxaana la is weydiin karayaa maxay Nairobi uga duwan tahay in la dhiso Muqdisho. Muxuuse yahay ajarka aan laga heleyn horumarinta Muqidhso ee laga helayo magaalada Nairobi.