Waaliga Walaayada Jubada hoose , qaarka mid ah Culumada Diinta Islaamka iyo hogaamiyaal dhaqan ayaa ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin furun dagaal kula Ciiday iyagoo hadalo dhiri gelin iyo guubaabo ah u jeediyay
Waa subax axad ah oo Ciid ah taariikhduna tahay 10 bisha dul xijjah sanad 1445 hijriga geesta kalena ku astaysan 16 06 2024 ee milaadiga.
Dhul keyn leh oo dhirta aawgeed cidii inyar kaa durugsan aanay ku arkeyn waxaa hoos fadhiya Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kuwaasoo kulaalaya Magaalada Kismaayo oo ay haystaan Saraakiil Iyo Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidamada Kenya iyo Maamul Gobaleed dhismihiisa Shisheeye kale iska kaashadeen ee jubaland la yiraahdo.
Geesta kale askartaan oo dhamaantood dhalinyaro ah waxay difaac u yihiin magaalooyinka Gobalkaaan iyo kan derisla la ah ee jubada dhexe ee Shareecada Islaamka lagu xukumo iyo guud ahaan wilaayaadka islaamiga ah oo hadii halkaan looga soo duso culeys weyni la kulmaya.
Kumaan dhalinyaro soomaliyeed oo wiilashaan asaagood ah ayaa tahriibay dalal shisheeye kana qaatay warqado dhalasho iyo qaxootinimo halka kuwo kale Shisheeye dalka ku soo duulay ka bar bar dagaalamayaan iyagoo mabda’iisa fidinta dimquraadiga iyo dhuldoonka isugu jira u dhimanaya.
Taa bedelkeeda wiilashaan ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay aamisan yihiin in ay yihiin Ciidanka Ilaalada iyo Fidinta Shareecada Islaamka waxayna u arkaan in nolosha ugu fiican ee koonkaan lagu helo ay iyagu haystaan soomaalida iyo Muslimiinta kale ee Barigaan arika ku dhaqana ay u yihiin Ciidankii gumeysiga ka dulqaadi lahaa.
Kuwaani waa qaarka mid ah Ciidamada doonaya in ay Barigaan afrika iyo guud ahaanba aduunkaan hadaanta ka sii hoobtay ee dimuqraadiga iyo ehelkeedu qaribeen dhinaca wanaagsan u janeeriyaan iyadoo adeegsanayo qoriga galaceyso galacleyso iyo dacwada oo wada jira.
Halkaan ka dhegeyso Barnaamijka Ciidda iyo Ciidanka Alshabaab (Ciidul Adxaa)