HomeAll newsEedeysanayaal ay Kamid Yihiin Muwaadiniin Reer-galbeed ah oo Lasoo Taagay Maxkamad ku...

Eedeysanayaal ay Kamid Yihiin Muwaadiniin Reer-galbeed ah oo Lasoo Taagay Maxkamad ku Taallada Congo DRC.

In ka badan 50 ruux oo ay ku jiraan 6 heysta dhashada wadamada Mareykanka, Ingariiska, Canada iyo Biljamka ayaa lasoo taagay maxkamad ku taalla Koongada Dimuquraadiga ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen isku day afgambi oo dhicisoobay iyo jaraa’im kale oo ciqaabta ka dhalaneysa lagu muteysan karo dil toogasho ah.

19-kii bishii May ee lasoo dhaafay, dabley hubeysan ayaa muddo kooban waxa ay la wareegeen xafiiska madaxtooyada ee caasimadda dalkaas ee Kinshasa, kahor inta aysan ciidamada bolisku toogaasho ku dilin hogaamiyihii kooxdaas oo uu fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka, waxaana dadka hadda lasoo eedeeyay ku jira wiil uu dhalay hogaamiyahaaaas.

Muwaadiniinta kale 3 kamid ah waxa ay udhasheen dalka Mareykanka, halka kuwa kalena ay wataan baasaboorrada wadamado reer-galbeed ah, kuwaasoo dhammaantood asal ahaan ka soo jeeda Congada Dimuquraadiga ah.

Shalay ayay si toos ah ubillaabay maxkamadeyntooda, waxaana lasoo taagay maxkamad millatari oo ku taalla magaalada Kinashasa ee caasimadda dalkaas, iyagoona ku jira xabsi ay millatarigu gacanta ku hayaan, iyadoona loo xiray dharka maxaabiista.

Waxa ay dhammaantood oo ka kooban 53 xubnood wajahayaan eedeymo la xiriira heysashada hub sharci darro ah, ku kicidda falal dambeeyo iyo waxa loogu yeero “Argagixisada” iyo in ay isku dayeen qalqal galinta mu’assasaadka dowliga ah, waxaana suuragal ah in qaarkood ay wajahayaan ciqaab dil ama xabsi daa’in ah.

Bishii March ee lasoo dhaafay ayay maxkamaddu hakisay xukunno dil ah oo lagu riday qaar kamid ah eedeysanayaasha, kuwaas oo lagu eedeeyay khiyaano iyo basaasnimo, ayna ka qeyb galeen colaadaha hubaysan ee soo noqnoqda, mid kamid ah qareennada muwaadiniinta Americanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaana ku doodaya ineysan wax dambi ah laheyn dadkaan.

Eedeysanayaasha kale iyo xittaa qareennada ayaanan iyagana usuura galin iney bixiyaan wax tafaasiil ah, halka maxkamadda lagu eedeynayo in aysan tuhmanayaasha siinin fursad ay ku qirtaan ama ay isaga bari yeelaan eedaha loosoo jeediyay, sidaasi darteedna dadkaan lagu heysto si sharci darro ah.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyaadoo 19-kii bishii May uu millatariga xukuumadda faashiliyay isku day afgabmbi, Afahayeen u hadlay dowladda Congo ayaana xilligaasi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in la dilay hogaamihii uu ka dhicisoobay isku daygii afgambi ee uu kula wareegi lahaa dalkan dhaca bartamaha qaaradda Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular