HomeAll newsHoyga Mid Kamid ah Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Lagu Weeraray Baydhabo.

Hoyga Mid Kamid ah Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Lagu Weeraray Baydhabo.

Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka dhacay weerar lagu qaaday guriga uu magaaladaasi ka deganyahay mid kamid ah wasiirada maamulka Koonfur galbeed.

Guriga wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee maamulka Koonfur galbeed Iimaan Cali Cabdi oo ku yaala xaafadda Buulo-Jameeco ee magaalada Baydhabo ayaa rag hubeysan oo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab katirsan waxay ku qaadeen weerar qaraxyo loo adeegsaday.

Mid kamid ah ilaalada wasiirka ayaa ku dhaawacmay weerarka, iyadoo uu burbur xoogan gaaray guriga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular