HomeAll newsIn ka Badan 10 Ruux oo Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha...

In ka Badan 10 Ruux oo Tahriibayaal ah oo ku Dhintay Xeebaha Dalka Liibiya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xeebaha dalka Liibiya ku qallibantay doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah, kuwaas oo doonayay iney ka gudbaan xeebaha dalkaas, islamarkaana gaaraan qaaradda Yurub.

Ugu yaraan 11 ruux ayaa kolkii hore la xaqiijiyay iney ku dhinteen doontaan ku qallibantay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo meydadkooda la helay, balse goor sii horreysay oo maanta ah ayay hey’adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn waxa ay sheecisay in la helay meydka qof kale, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 12 ruux, waxaana wali socda baaritaanno ku aaddan dad wali lagu la’yahay xeebaha.

Meydka qofkaan dambe ee dib laga helay ayaa waxaa arkay diyaarado ku socday badda dusheeda, kuwaas oo ay leedahay hey’adda loogu yeero dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn, iyadoo intaas ku dartay iney soo badbaadiyeen in ka badan 160 ruux, kuwaas oo saarnaa doonyo isku dayay iney ka gudbaan xeebaha dalka Liibiya.

Inta badan dadka ay doonyo kula dagaan xeebaha dalka Liibiya ayaa ah kuwa tahriibayaal ah oo ka yimaada qaar kamid ah wadamda caalamka, haba kugu badnaadaanee kuwa ka yimaada dalalka ku yaalla qaaradaha Africa iyo Aasiya, kuwaas oo doonaya iney helaan nolol ka duwan middii ay ku heysteen wadamadooda.

Tirakoob ay soo saartay hey’adda Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay, in tan iyo sannadkii 2014-ka ay diiwaan galiyeen dhimashada in ka badan 20,000 oo ruux oo tahriibayaal ah, kuwaas oo ku dhintay doonyo kula qallibmay bartamaha badda Mediterranean-ka, taas oo ka dhigan halis weyn oo ay wajahayaan dadka tahriibayaasha ah,

Dhowr howlgal oo ay sameeyeen hey’adda dhaqaatiirka aan xuduudda laheyn ayay ku sheegeen, in doon iyaga taabacsan ay badda kasoo saartay 146 ruux oo tahriibayaal ah, mar kalana ay soo saareen 20 ruux, halka howlgalki ugu dambeeyay oo aah midka aan hadda ka sheekeyneyno lagu helay meydadka 11 ruux, kuwaas oo ay diyaarad ay hey’addu leedahay aragtay iyagoo dul sabeynaya biyaha badda.

“Ma garaneyno sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ma’saadkaan, balse waxaan ognahay ayaa ah in dadku aysan ka suuleen iney geerida u bareerayaan, iyagpo sameynaaya isku dayo quus ah oo ay ku doonayaan iney ku gaaraan barri ammaan ah, taas oo ay waajib tahay in lasoo afjaro masiibada nuucaan ah” ayaa lagu yiri way ay baahisay hey’addaan

Waddanka Talyaaniga ah oo ah halka ugu horreyso ee ay tiigsanayaan dadkaan naftood halligayaasha ah ayaa waxa ay dowladda dalkaas soo saartay codsiyo ku wajahan dowaldaha jaarka la’ah, kuwaas oo ku aaddan iney hakiyaan dadka kasoo gudbaya xeebaha dalalkaas.

Ddowladda Talyaaniga ayaa wadamada Liibiya iyo Tuunis ka codsatay iney bixiyaan juhuud dheeri ah oo ay dadka Tahriibayaasha ah uga hor istaagayaan iney badda kaasoo gudbaan, iyadoo sidoo kale soo rogtay quyuud adag oo ay saartay doomaha ka shaqeeya howlaha samata bixinta ah ee lagu soo badbaadinayo dadka Tagriibayaaasha ah, iyadoo sheegtay in howlahaasi ay dadka ku dhiirragalinayaan iney Yurub soo aadaan, arrinkaas oo ah midka ay kasoo horkeedaan dowladaha reer Yurub.

Tani ayaa muujineyso wajiga dhabta ah ee dowladaha reer-galbeedka, kuwaas oo aan wax naxariis ah uheynin qeyrkooda, waana arrin ay haboon tahay in lagu baraarugo, islamarkaana dadka laga wacyi galiyo dhibaatada tahriibka, maadaama ay qaadidda dhabbahaas ay ku weyn karaa waxa ugu qaalisan oo ay heystaan oo ah naftooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular