Madaxtooyada dalka Malawi ayaa shaaca ka qaaday maalintii shalay, in diyaarad milatari oo uu saarnaa madaxweyne ku xigeenka dalkaas Saulos Klaus Chilima iyo 8 xubnood oo kale mar qura laga waayay raadaarka.
Diyaaraddaan siday madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo xubnaha kale ee katirsan xukuumadda ayaa lasoo warinayaaa in mar qura xiriirkeeda la waayay, iyadoo tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay la billaabay dagaallo lagu baadi goobayo diyaaradda la waayay.
“Dhammaan juhuuddii ay bixiyeen madaxda duulimaadka ee ay ku doonayeen iney kula xiriiraan diyaaradda tan iyo markii ay ka luntay shaashadaha raadaarka ayaa kusoo dhamaaday fashil” waxaa sidaasi lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha iyo golaha wasiirrada ee dalkaasi Malawi.
Warka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa siii kale lagu sheegay, in Saulos oo ay da’diisu aheyd 51 jir uu saarnaa diyaarad ay leeyihiin ciidamada difaaca Malawi, taas oo kasoo kacday caasimadda dalkaas, iyadoo intaa lagu daray iney wali socdaan dagaallada lagu baadi goobayo diyaaradda.
Diyaaradda uu saarnaa madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ayuu qorshuhu ahaa iney ka degto garoonka dowliga ah ee Mzuzu ee ku yaalla gudaha dalka Malawi.
Madaxweynaha dalka Malawi ayaa amar ku bixiyay, in ciidamada dalkaas iyo dhammaan kuwa maamul gobaleedyada ay qaadaan howlhallo baadi goob ah, ayna si degdeg ah usoo sheegaan halka ay ku sugan tahay diyaaradda, isagoona dib udhigay booqasho uu ku tali lahaa Jaziiradaha Mahamas ee dhaca Badweynta Atlaantigga ee waqooyiga Cuba.
Goor dambe oo maanta ah ayaa la xaqiijiyay burburka diyaaraddii uu saarnaa madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi, waxaana dhintay isaga iyo dhammaan sagaalkii xubnood ee la socday.
Waxa xusid mudan in sannadkii 2022-ka xilka laga qaaday madaxeyne ku xigeenka Malawi ee geeriyooday, kadib markii lagu soo eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dacwad laaluush ah oo uu ku kacay ganacsade British ah oo asal ahaan ka soo jeeda Malawi, balse Garsoorka Malawi ayaa bishii lasoo dhaafay laalay dacwadii ka dhanka aheyd madaxweyne ku xigeenka, ka dib markii uu ka qeyb galay kalfadhiyo badan oo maxkamadeed laguna waayay wax cadeymo ah.