HomeAll newsMagaalada Garowe oo qarka u saaran in ay la wareegaan shacab Itoobiyaan...

Magaalada Garowe oo qarka u saaran in ay la wareegaan shacab Itoobiyaan ah.ah

Bulshada ku dhaqan magaalada Garowe ayaa billaabay qeylo dhaan ay ka muujinayaan dad Itoobiyaan ah oo u muuqda kuwa ku badanaya bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Itoobiyaanka ayaa wata dhibaatooyin badan oo isugu jira kuwa caafimaad, kuwa dhaqaale iyo kuwa dhaqan intaba, waxaana ay halis ku hayaan magaalada iyo mustaqbalkeeda.

Haweeney kamid ah maamulka hoose ee Garowe, gudoomiyana ka ah xaafadda Wadajir ee Garowe ayaa qulqulka Itoobiyaankan faraha badan ku macneysay duullaan lagu soo qaaday dhulkaasi Soomaaliyeed.

Haweeneydan ayaa intaa ku dartay in Itoobiyaanku haatan marayaan iney dadka handadaan, una sheegaan Soomaalida in caruurtoodu ay dhulka yeelan doonaan mustaqbalka dhow.

Dhallinyarada ayaa dhankooda ka cabanaya Itoobiyaankan, waxayna sheegayaan ineysan shacab ahayn balse yihiin ciidamo lasoo diray si ay wadanka u qabsadaan baddana ula wareegaan.

Itoobiyaanka buux dhaafiyay Garowe ayaa ummadda dhaxalsiiyay dhibaatooyin badan, dadkuna waxay aad usoo celcelinayaan dareenkooda ah in dadkan yihiin ciidamo.

Itoobiyaanka ayaa horey u buux dhaafiyay Somaliland iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Bari sida Boosaaso, sidoo kale waxay iyagoo badan joogaan Galgaduud gaar ahaan Caabud waaq, Dhuuso mareeb iyo Guriceelba.

Arrintan ayaa keeni karta halis weyn oo halis ku ah sii jiritaanka dalka Soomaaliya iyo dadkiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular