Ra’iisulwasaaraha DF ayaa qiray iney ku fashilmeen dagaalka ay kula jiraan XSHM.
Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad u jeediyay koox haween ah oo qaabilsan iney u heesaan ciidamada DF, marka ay madaxdu khudbeynayaanna u alalaasa, kuwaasoo sidoo kale ka shaqeeya isku soo baxyada.
Xamse ayaa sheegay in haweenkan ay ku daaleen dagaalka, kaligoodna aysan ku filnayn kaalinta lagu aadiyay, balse wuxuu hadal handadaad u muuqda u jeediyay ganacsatada iyo bulshada kale si uu dhaqaale uga helo.
Xamsea ayaa muujiyay quus badan isagoo sheegay in ciidankiisu iyo haweenka la socdaahi aaney ku filnayn dagaalka, balse wuxuu muujiyay in dadka shacabka ay taageersan yihiin XSHM kuwaasoo uu sheegay ineysan garab siineyn.
Xamse wuxuu qiray in ay ku guuleysan la’yihiin iney bulshada geliyaan dagaal aan kooda ahayn oo laga hagayo Washington.
Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan hadalka Xamza Cabdi.
Madaxda DF ayaa laba sano ka hor jeedinayay hadallo hanjabaad ah oo ay ku sheegayeen iney XSHM ka saarayaan wadanka oo dhan balse hadda waxay qirayaan iney ku fashilmeen iyagoo jabkooda dusha ka saaraya dadka shacabka ah.