Cabdullaahi Sambaloolshe oo uu dhawaan Xasan Sheekh u magacaabay taliyaha sirdoonka ayaa muddo bil ah ku mashquulsan xaaladda magaalada baladweyne, moqokori iyo maxaas.
Malleyshiyadii lagu soo jabiyay dagaalada, lagana qabsaday qaar kamid ah degaanada Hiiraan ayaa iyagoo gaajooyin dhibkii kula soo laabtay magaalooyinkaaas, waxay dilayaan dadka rayidka ah, waxay dhacayaan ganacsatada, haweenkana wey kufsanayaan.
Sidoo kale magaalada Baladweyne ayaa waxay ugu kala qeybsameen laba garab oo la kala yiraahdo Hirshabelle iyo Hiiraan State iyadoo amnigii magaalada uu faraha ka baxay sida uu sheegay Sambaloolshe.
Sambaloolshe oo ka hadlayay meel ay odayaal joogaan ayaa sheegay in Baladweyne amnigeeda uu faraha ka baxay, una muuqato meel aanu bani’aadam ku noolaan karin.
Malleyshiyaadkii macawiisley ayaa u muuqda kuwa uu eeday Xasan SHeekh sida ay sheegayaan siyaasiyiinta qaarkood, waxaana xusid mudan degaanadii macawiisleyda laga sameeyay in maanta amnigoodii uu faraha ka baxay, halka degaanadii iska diiday ay nabad ku naaloonayaan.