Duqeyn habeen hore ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen gobolka Xalab ee dhaca wuqooyiga dalka Suuriya ayaa geystay khasaare nafeed oo gaaray malleeshiyaadka shiicada Iiraan ee ka garab dagaallama nidaamka Nuseyriyada ee uu hogaamiyo dhiigya-cabka lagu magacaabo Bashaar Al-Asad.
Silsilado duqeymo ah oo ka dhacay deegana lagu magacaabo Xayaan oo ku beegan wuqooyi galbeed Xalab ayaa geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, xogo dheeri ah oo soo baxaya ayaana tilmaamaya in dadka ku dhintay duqeymahaas uu kamid yahay sarkaal sare oo katirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.
Shabakad warbaahineed oo lagu magacaabo Anbaa’u Dhalaba oo ka howlgasha dalka Iiraan, aadna uga ag dhow xukuumadda ayaa baahisay in duqeymo habeenkii ay Isniinta soo galeysay ka dhacay dalka Suuriya kuna dhinteen 17 ruux, uu kamid ahaa dadka ku dhintay sarkaal sare oo katirsan ilaalada kacaanka Iiraan.
Masuulka IIraaniga ah ee lagu dilay duqeynta Yahuuddu ka geysteen dalka Suuriya ayay shabakaddu ku sheegtay in lagu magacaabo Siciid Abyaar, laakiin ma sheegin darajadiisa ciidan iyo macluumaad dheeri ah oo la xiriira xilalka uu qabtay.
Warbaahinta nidaamka Nuseyriyada ayaa maalintii shalay baahiyay in ugu yaraan 17 ruux ay ku dhinteen duqeymaha ay diyaaradaha Yahuudda ka geysteen gobolka Xalab, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 15 qof oo kale.
Meelaha ay duqeymaha diyaaradaha Yahuuddu beegsadeen waxaa kamid ah warshad macmal ah oo dhalaalisa naxaasta, taasoo ku taalla deegaanka Xayyaan ee dhaca wuqooyi galbeed magaalada Xalab ee wuqooyiga Suuriya.
Toban maalin kahor ayay ahayd markii sidan oo kale diyaaradaha maamulka Yahuudda ay duqeymo ka geysteen magaalada Baanyaas ee gobolka Dhardhuus ee xeebaha Suuriya, halkaas oo ay ku dhimatay gabar yar, sidoo kalena ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 ruux, sida ay tabiyeen warbaahinta nidaamka Nusayriyada.
Sanadihii tagay maamulka Yahuudda ayaa boqollaal duqeymo ah oo badankood loo adeegsaday diyaarado drones ah waxay ka fuliyeen dalka Suuriya, iyagoo tilmaamaya iney qeyb ka yihiin dadaallada ay Talla’biib ku dooneyso iney ku yareyso wujuudka milliteri ee shiicadu ku leeyihiin dalka Suuriya.
Horraantii bishii April ee sanadkan ayay Yahuuddu duqeyn ay ka geysteen qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya waxay ku dileen la taliyeyaal milliteri oo shiico ah, Tehraan ayaana weerarkaasi ka bixisay jawaab usoo jiiday jees-jees badan, kadib markii dhowr gantaal oo aan hadafkooda xaqiijin ku tuurtay deegaannada Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda.