HomeAll newsSidee buu u dhacay Weerarka Cagmarinta ee Ceel-dheer, Galgaduud ?

Sidee buu u dhacay Weerarka Cagmarinta ee Ceel-dheer, Galgaduud ?

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan ku qaadeen illaa ugu yaraan 4 saldhig oo ay degmada Ceel-dheer ku lahaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Ciidamada lagu weeraray Ceel-dheer ee katirsan Dowladda Federaalka waxay ahaayeen illaa 4 urur oo kala deganaa 4 saldhig, 2 urur waxay ahaayeen ciidamada lagu soo tababaray dalka Masar, halka hal urur oo kamid ahna uu ahaa ciidamada Gorgor ee uu tababaray Turkiga.

Ururka afaraad ee deganaa Ceel-dheer wuxuu ahaa ciidamo ashaamud ah oo la isku soo uruuriyay, waxaana qeyb ka ahaa malleeshiyaadka Macwiisleyda, si guud tirada ciidamada Ceel-dheer joogay ayaana ahaa inakbada 1,200 oo askari.

Dhamaan saldhigyadan iyo ciidankii deganaaba waxaa cagta mariyay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo hadda si buuxda gacanta ugu haya degmada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular