Dalka Niger waxa uu kamid yahay wadamada dhaca galbeedka Afrika, dadka ku noolna ku tilmaamanyihiin jacaylka diinta, iyo naceybka ay u hayaan gumeystaha reer Yurub, gaar ahaan Faransiiska, oo inta badan gumeysi ku qabsaday wadamada saaxilka iyo saxaraha ee dhaca galbeedka Afrika.
Mid kamid ah astaamaha ay caanka ku yihiin guud ahaan muslimiinta mandiqadan kunool, si gaar ah reer Niger, waa jacaylka Quraanka iyo weyneynta ardeyda, heer malcmadaha lagu barto Quraanka kariimka lagu tilmaamo astaamaha dal ahaan iyo dad ahaanba lagu yaqaano reer Niger.
Culimadii muslimiinta iyo mujaahidiintii halyeeyada ahaa ee mandiqadan kasoo baxay ayaa dhiig iyo dheecaanba u huray difaacidda malcamadaha Quraanka kariimka, oo uu gumeystihii Faransiiska beegsanayay, una arkayay goob ay kasoo baxaan dhalinyarada gumeysi diidka ah.
Faadima Axmed oo bare ka ah madaraso lagu magacaabo Faranko Arab, ahna kormeeraha qeybta imtixaannada ee xafiiska jaamacadda Al-Imaam Muxamad bin Sucuud ee Niyaami, ayaa tilmaameysa in hogaamiyihii mujaahidka ahaa Cuthmaan bin Foodiyo uu ahaa ninkii aas-aasay nidaamka malcadamaha iyo xalaqaatka ee Niger iyo Nigeria.
Waxay tilmaameysaa iyadoo hadalkeeda sii wadata, in khaliifkan oo hogaaminayay mid kamid ah mamaaliktii qabaailka Howsaha ee galbeedka Afrika, uu culimada u caleemo saari jiray hogaaminta qabaa’ilka, taasoo dhiirogelisay barashada Quraanka kariimka iyo culuumta Shareecada.
Maadaama ugaaska iyo horjoogaha qabiilka uu yahay qof caalim ah, waxaa booska ku dhegan gurigiisa looga dhisi jiray masjid iyo goob waxbarasho, oo u gaar ah in lagu barto Quraanka kariimka, sidoo kalena lagu diraaseeyo culuumta kale ee Shareecada.
Qarniyo xiriir ah ayay mamaaliktan Howsaha ee msulimiinta ahaa xajisteen dhaqankan wanaagsan, iyagoo weliba ku tallaabsaday horumar horleh oo lagu dhiirogelinayo barashada Quraanka kariimka, kaasoo ah in ardey kasta oo xifdiya Quraanka kariimka loogu abaal gudi jiray in masjid iyo goob waxbarasho looga dhiso guriga uu deganyaahy meel ku dhegan, halkaas oo uu kasii wado faafinta cilmiga sharciga ah.
Tani waa mida keentay in culimada kasoo jeeda mandiqadda galbeedka Afrika ay tiradooda iyo tayadoodaba aad u badato, xaalkuna sidaas ayuu kusii socday illaa horaantii qarnigii tagay, markaas oo uu mandqaddu ka dhacay isbedel weyn, oo ka dhignaa gumeysigii Faransiiska.
Dowladda Faransiiska oo illaa iyo hadda kamid ah dowladaha kaalmaha hore kaga jira la dagaallanka Islaamka iyo Muslimiinta, ayaa mandiqadda galbeedka Afrika oo ay Niger kamid tahay waxay ka geysatay gabood fallo xanuun badan oo ka dhignaa la dagaallanka Quraanka iyo ehelkiisa.
Mid kamid ah dhacdooyinka ka dhacay mandiqadan, muslimiinta ku noolna ay sheeko ahaan isdhaxalsiiyaan waa tallaabo gurracan oo uu ku kacay mid kamid ah madaxweynayaashii soo maray dalka Faransiiska, kaasoo isugu yeeray culimadii hogaamineysay qabaa’ilka, oo uu u ballanqaaday inuu siin doono dawo loogu talogalay daacuunka.
Markii ay culimadu isku yimaadeen dhamaantood ayuu dab qabadsiiyay, halkaasna waxaa ku shahiiday tirobadan oo culimada Islaamka kamid ah, tallaabadan ayaana keentay in mandiqadda ay isaga cararaan badi culimadii ku noolaa, halka inti soo harteyna ay dhuuteen, sida ay sheegeyso Al-Ustaada Faadima oo kasoo jeeda dalka Niger.