Tan iyo wixii ka dambeeyay markii kooxda Xuuthiyiinta ee taabacsan dowladda shiicada ah ee Iiraan ay la wareegeen Sancaa iyo magaalooyin dhowr ah oo katirsan Yemen, waxay xukuumadda Yemen ee taagta daran, caalamkuna aqoonsayahay saldhigatay magaalada Cadan, iyadoo masuuliyiinteeda ugu sareeyana ay degeen magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.
Marka laga soo tago xubnihii xilalka muuqda ka hayay xukuumadda Yemen, waxay inta badan shaqaalihii wasaaradaha iyo mu’assasaatka dowladda ay ku hareen magaalada caasimadda ah ee Sancaa, taasoo ka dhigan iney ku qanceen ka hoos shaqeynta maamulka cusub ee Xuuthiyiinta.
Inkastoo weli aaney Xuuthiyiintu maamulkooda heysanin aqoonsi caalami ah, hadana waa maamul gacanta ku haya ilihii ugu muhiimsanaa ee dhaqaalaha dalka, sida garoonka diyaaradaha iyo dekadaha magaalooyin dhowr ah, lacagaha halkaas kasoo gala ayayna u adeegsadeen iney ku maalgeliyaan howlgalladooda caskariga iyo siyaasadda.
Saameyn dhan kastaba leh ayay ku keentay reer Yemen kala bedelnaanta maamul ee dalka Yemen, maadaama caasimaddii wadanka ay gacanta ku hayaan Xuuthiyiinta, halka Cadanna ay noqotay magaala madaxda kumeel gaarka ah ee xukuumadda Yemen.
Marka laga yimaado in Xuuthiyiintu ay dhegta dhiiga u dareen dad badan oo muslimiin ah, madhabka shiicanimada ee ku dhisan aflgaadeynta Saxaabada Rasuulkana ay awood milliteri ku faafinayaan, waxaa kaloo jira dhibaatooyin xaga nolosha iyo maciishadda oo heysata dadka ku hoos nool deegaannada ay ka arimiyaan oo ay kamid tahay Sancaa oo ah caasimadda dalka Yemen.
Todobadii sano ee lasoo dhaafay waxaa dagaallo lagu riiqmay dhexmareen malleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo ciidamada xukuumadda Yemen, iyadoo dhinac kale ay jirto dagaallo ay qabaa’ilka hubeysan la galeen Xuuthiyiinta, laakiin wixii ka dambeeyay 2022-kii waxaa dalka ka hirgalay xabad joojin aan lagu dhawaaqin oo dhexmareysa Xuuthiyiinta iyo milliteriga Yemen.
Waxaa gebi ahaanba joogsaday dagaalladii cuslaa ee furimaha dagaalka ku dhexmarayay labada ciidan, sida muuqatana waxaa jirta wada xaajoodyo hoose oo keenay in dhinacyadu uu mid weliba ku ekaado halka uu joogo, maadama mid weliba ogaadya inaanu kan kale maquunin karin.
Laakiin dagaal dhaqaale ayaa hadda ka dhex qarxy xukuumadda Yemen ee xarunteedu tahay Cadan iyo kooxda Xuuthiyiinta ee maamula Sancaa, dadka falanqeeya xaaladda Yemen ayaana tilmaamay in tallaabadan ay halis gelineyso heshiiska xabad joojinta aan la shaacin ee labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhexeeyay labada dhinac.
Si lamid ah kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo mida milliteri, waxaa dalka Yemen ka jira kala qeybsanaan xaga lacagta kaashka ah, dalkana waxaa kajira labo banki dhexe oo midi xaruntiisu tahay Cadan, ayna maamusho xukuumadda Yemen, iyo mid kale oo fadhigiisu yahay Sancaa, ayna gacanta ku hayaan Xuuthiyiinta.
Bankiga Cadan ayaa ku tacaamula lacago cusub oo riyaal ah, halkii doollarna waxaa uu ku sarifaa 1760 riyaal, halka bankiga Sancaa uu ku macaamilo riyaalka qadiimiga ah oo halkii dollar u dhigma 531 riyaal.
Iyadoo qeyb ka ah siraaca dhaqaale ee ka dhexeeya Xuuthiyiinat iyo xukuumadda Yemen, wuxuu bankiga Cadan dhawaan ku dhawaaqay inuu joojiyay macaamilkii uu la lahaa 6 banki oo ka howlgala deegaannada ay maamulaan Xuuthiyiinta, maadaama ay diideen iney xarumahooda dhexe usoo wareejiyaan Cadan.