HomeAll newsAl-Shabaab Oo Weeraray Saldhigyada Ciidan ee Laanta-buuro iyo Jaziira.

Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhigyada Ciidan ee Laanta-buuro iyo Jaziira.

Dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ku mireen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaannada Laanta-buuro iyo Jaziira oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhiga ciidamada shisheeye kaga suganyihiin deegaanka Laanta-buuro ayay ciidamada Xarakada Al-Shabaab weerareen, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weerar midkaas lamid ah ayaa sidoo kale ka dhacay saldhiga ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaanka Jaziira, waxaana in muda ah la maqlayay rasaasta labada dhinac.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashey dagaalladan xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana had iyo goor weerara saldhigyada shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka kaga suganyihiin dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular