Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya, in maanta askari katirsan maamulka la baxay Galmudug uu wiil dhalinyaro ah ku dilay magaaladaas.
Askariga oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulka gobalka Galgaduud ayaa lasoo warinayaa, in uu si bareer ah magaalada Dhuusamareeb ugu toogtay wiil dhalintaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj.
Maxamed Faarax Qorile ayaa lagu magacaabi jiray wiilka dhalinyarada ah ee uu dilay askariga katirsan ilaalada madaxtooyada maamulka la baxay Galmudug, dhowr xabadood ayuuna askarigu ku dhuftay wadaha Mooto Bajaaj, taas oo sababtay in uusan nolol dhul la dhicin.
Dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ayaa aad uhadal haya dilkaan bareerka ah ee uu geystay askariga katirsan maamulka Galmudug, waana mid kamid ah falalka dilalka ah ee ay askarta dowladda fedaraalka iyo kuwa maamul gobaleedyada kula kacaan dadka rayidka ah.