HomeAll newsAskari Dowladda Federaalka Katirsan Oo Muqdisho Ku Dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed.

Askari Dowladda Federaalka Katirsan Oo Muqdisho Ku Dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed.

Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay fal naxdin badan, kadib markii askari katirsan ciidamada Dowladda Federaalka uu dilay haweeney iyo hooyadii dhashey.

Askariga dilka geystay ayaa katirsan qeybta canshuuraha, waxaana gabadha uu dilay ay ahayd “xaaskiisa hore” oo ay kala tageen 2 sano kahor, iyo hooyadii dhashey oo isku dayday in gabadheeda ay ka badbaadiso dilka.

Nasteexo Nuur iyo hooyadeed oo lagu magacaabo Muslimo Macallin ayuu dilay askariga, hooyada la dilay ayaana ifka kaga tagtay saddex caruur ah.

Ehellada ay kasoo jeedaan gabadha iyo hooyadeed ee la dilay ayaa codsaday in gacanta lagu soo dhigo askariga dilka geystay, qisaasna la mariyo, aqoonyahanka iyo waxgaradka ayaana tilmaamaya in cadaaladda lagu heli karo oo keliya ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Halkan ka dhagayso Faafaahin ku saabsan sida uu u dhacay dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular