HomeAll newsAskari Katirsan Ciidamada Uganda Oo Geeriyooday Isagoo Tababar Kujira.

Askari Katirsan Ciidamada Uganda Oo Geeriyooday Isagoo Tababar Kujira.

 

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa tilmaamaya in askari katirsan ciidanka UPDF-ta Uganda uu geeriyooday, xilli uu kujiray tababar ciidan.

Askariga dhintay waxaa lagu magacaabaa Abdalla Bija, waxaana uu ku dhintay saldhig ciidan oo ku yaala degmada Tororo, halkaas oo uu ka socday tababar ciidan oo la siinayo xubnaha cusub ee kusoo biiraya ciidamada.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in askariga dhintay uu qeyb ka ahaa ciidamo cusub oo ay qorteen milliteriga dalka, kuwaasoo la siinayay tababaro lagu kala xulayo cida u gudbi karta marxalado sare oo la xiriira barashada culuumta caskariga.

Askariga geeriyooday ayaa dhintay xilli uu ordayay masaafo dhan 4 kilmoter, waxaana istaagay wadnaha, taasoo keentay in durba uu goobta ku geeriyoodo.

Dowladda Uganda waxay kumanaan askari ka joogaan dalka Soomaaliya, halkan oo ay ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed ee caruurta iyo hooyooyinka ay qeybta ka yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular