Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay inuu go’aan ku gaaray inuu isaga haro tartanka doorashada madaxtnimada ee uu ku doonayay in markale ku tago Aqalka cad.
Biden wuxuu sheegay inuu ka tanaazuley damacaas, uuna taageeradiisa isugu geyn doono haweeneyda ku xigeenkiisa ah ee Kamala Harrisa.
Donald Trump oo ah musharaxa Jamhuuriga ee doorashada madaxtnimada Maraykanka, wuxuu tilmaamay inuu ku rajo weynyahay inuu ka guuleysto haweeneyda ku xigeenka Biden ee hadda ah musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga.
Wuxuu ku tilmaamay Biden inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalka Maraykanka.
Maalmihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa taagnaa cadaadis xoog leh oo ay siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ku hayeen Biden, si uu isaga haro tartanka doorashada, hadda ayayna u muuqataa inuu warkooda maqlay.